Tammy Abraham Oo Sharraxay Sababta Ay Qaar Ka Mid Ah Ciyaartoyda Blues Uga Caroodeen Frank Lampard.

Advertisements

Chelsea haatan waxey fadhisaa kaalinta 5-aad ee horyaalka kadib markii ay qaab ciyaareed cajiib ah lasoo baxeen kulamadii ugu dambeeyay, kooxda galbeedka London ka dhisan afartii ciyaarood ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada oo dhan wey guuleysteen, balse waxaa jirta sir ku saabsan in ka hor bilowga fasalka ay ciyaartoy badan ka caroodeen tababare Frank Lampard.

Tammy Abraham ayaa sharraxay sababta ay qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda uga caroodeen macalinka cusub, wuxuuna qiray in tababarka kooxda la adkeeyay, sidoo kalana ay taasi ka saaciday iney si adag u ciyaaraan isla markaana ay helaan natiijooyinka quruxda badan.

“Waxey ila tahay in ciyaartoy badan ay ka caroodeen waxa ku saabsan orodka uu doonayay tababaraha in la ordo, waxaan sameyneynay kulamadii fasaxa, balse hadda meesha ayaa laga saaray” ayuu yiri Tammy.

“Dhamaan macno ayey sameyneysay sababta aan sidaas u sameyneynay, sababta aan sidaas adag ugu shaqeyneynay kulamadii fasaxa”

“Laga soo bilaabo marka uu macalinka yimid, wuxuu noo sheegay qaabka ay tahay inaan sameyno iyo sida uu naga doonayo inaan u ciyaarno, sida ay tahay inaan cadaadis u sameyno”

“Markii ugu horreysay, waan awoodi weynay, waayo maba aanan heynin wax tamar ah”

Advertisements

“Balse marka uu bilowday xilli ciyaareedka, waan adeegsadaa”

Tammy Abraham wuxuu sidoo kale qiray iney wax badan caawiyaan difaacyada isla markaana ay kubadda wax badan ku tartamaan.

Comments are closed.