Takumi Minamino Oo Rikoodh Ka Jabiyay Thomas Tuchel & Xaqiiqooyinkii Laga Diiwaangeliyay Kulankii Ay Chelsea Ku Garab Dhacday Southampton

Advertisements

Xiddiga Southampton Takumi Minamino ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya kooxda Thomas Tuchel ee Chelsea isagoo soo gabagabeeyay 572 daqiiqadood oo ciyaaryahan ka soo horjeeda uusan gool ka dhalinin kooxda tababaraha Jarmalka (Antonio Rudiger ayaa gool iska dhaliyay kulankii Sheffeild United)

Southampton ayaa soo gabagabeysay lix kulan oo isku xigta oo laga badiyay Premier League tan iyo markii ay 1-0 kaga badiyeen Liverpool 4tii Janaayo taasoo aheyd rikoodhkoodii ugu xumaa abid.

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa ah tababarihii 16aad ee taariikhda Premier League ee aan laga badinin lixdiisii kulan ee ugu horeysay horyaalka (Afar guul, labo barbaro) waana tababarihii ugu horeeyay ee sidaas sameeya tan iyo Maurizio Sarri oo isna sidoo kale la gaaray Blues.

Southampton ayaa iska dhumisay 18 dhibcood iyagoo hogaanka ku hormartay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waana kooxda ugu badan ee hogaanka iska qasaarisa horyaalka.

Chelsea ayaa laga badinin seddexdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay marti ahaayeen ka dib markii laga badiyay afar ka mid ah shantii ka horeysay.

Southampton ayaa laga dhigay rigooradii shanaad xilli ciyaareedkan horyaalka, kaliya xilli ciyaareedkii 1993-94 iyo 2016-17 ayaa aheyd marka kaliya ee rigoorooyin intaan ka badan laga dhigay horyaalka waana lix rigoore.

Southampton ayaa gool ku dhalisay darbadoodii ugu horeysay ciyaarta markii uu shabaqa soo taabtay Takumi Minamino daqiiqadii 33aad, waxayna aheyd markii ugu horeysay ee ay kubad ku taabtaan xerada ganaaxa Chelsea.

Xiddiga Southampton Takumi Minamino ayaa dhaliyay seddex gool shantii kulan ee ugu danbeysay Premier League, isagoo aan waxba dhalinin 17kii kulan ee ka horeeyay. Goolasha Premier League ee uu u dhaliyay Southampton oo gaaraya labo gool seddex kulan uu saftay ayaa ka badan halkii gool ee uu u dhaliyay 19 kulan uu u saftay Liverpool.

Mason Mount ayaa noqday xiddigii 25aad ee rigoore u dhaliya Chelsea horyaalka Premier League, Blues ayaa ah kooxda ugu badan ee ciyaartoy kala duwan ay rigoore u dhaliyeen taariikhda horyaalka.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*