Tababare Zidane Oo Afar Laacib Ka Reebay Liiska Xiddigaha Uu U Xushay Kulanka Habeen Danbe

Advertisements

Real Madrid ayaa la ciyaareysa Real Zaragoza habeen danbe oo Arbaco ah kulan ka tirsan koobka boqorka ee Copa del Rey.

Kulankaan ayaa imaanaya seddex maalmood ka hor inta aysan wajihin kooxda ay deriska yihiin ee Atletico Madrid oo ay ku balansan yihiin kulanka horyaalka La liga ah.

Sidaasi darteed tababare Zinedine Zidane ayaa ku qasbanaaday inuu nasasiiyo qaar ka mid ah xiddihihiisa muhiimka ah.

Xiddigaha sida Casemiro, Eder Militao, Isco iyo Gareth Bale ayaa laga reebay kiiska laacibiinta wajaheysa habeen danbe kooxda Zaragoza.

Waxaa iyagana weli dhaawacyo kala duwan ku maqan weeraryahanka reer Belgium Eden Hazard iyo xiddiga khadka dhexe Marco Asensio.

Advertisements

Liiska ciyaartoyda u safreysa habeen danbe kooxda Real Zaragoza ee lagu dhawaaqay maanta:

Thibaut Courtois, Alphonse Areola, Diego Altube, Dani Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho, Marcelo, Ferland Mendy, Toni Kroos, Luka Modric, Fede Valverde, James Rodriguez, Karim Benzema, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Brahim, Vinicius iyo Rodrygo.

Comments are closed.