Tababare Yuhuudi Ah Oo Chelsea Imanaya, Aguero Oo Lagu Dagaallmayo, Xiddig Ka Tegay Man United, Yuhuudi Kusoo Socda Arsenal Iyo Wararkii U Dambeeyey Suuqa

Advertisements

Suuqa kala iibsiga qaarada Yurub ee bisha January ayaa si rasmi ah u furmay maadaama oo la galay bisha January ee sanadka cusub ee 2021 iyadoo ay kooxaha qaaradaasi isha ku hayaan inay fuliyaan qorshayaashii ay dhigteen suuqa kahor.

Kooxaha reer Yurub ayaa isku dayi doona inay dhaq-dhaqaaqa ugu macquulsan ka sameeyaan suuqan xilliga qaboobaha iyagoo ogsoon inuusan ahayn suuq u balaadhan sida midka xagaaga isla markaana ay adagtahay in saxeexyo waaweyn la sameeyo xilli ciyaareedka oo badhtanka maraya.

Intaas waxa dheer in isku dayada kooxaha Yurub uu sii xadidayo saamaynta dhaqaale ee uu caabuqa Korona Fayras ku yeeshay kooxahaas.

Si kastaba, sidii aan nooga barateen waxa aanu halkan idinkula wadaagaynaa wararkii ugu dambeeyay ee xanta ahaa iyo hadal haynta suuqa ka jirta ee ay qoreen wargeysyada ugu waaweyn Yurub maanta oo Arbaca ah.

Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa doonaya inuu kooxdiisa dib ugu soo celiyo tababaraha Yuhuudiga ah ee Avram Grant, si uu u caawiyo Frank Lampard. (Sky Sports)

Real Madrid waxay qorshaysay inay xagaaga iibiso lix ciyaartoy oo kooxdeeda ah, si ay lacag ugu hesho weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo 22 jir ah. Garethe Bale, Marcelo, Luka Jovic, Isco, Ceballos iyo Brahim Diaz ayaa ah xiddigaha la iibinayo. (AS)

Weeraryahanka Manchester City ee Sergio Augero ayay doonayaan Barcelona iyo PSG. 32 jirkan reer Argentina ayaa si xor ah lagula wareegi karaa marka uu dhamaado qandaraaskiisu xagaagan. (Sun)

Difaaca Manchester United ee Timothy Fosu-Mensah oo 23 jir ah ayaa ka tegaya kooxda, waxaanu ku biirayaa Bayer Leverkusen oo ku iibsanaysa £1.5 milyan, kaddib markii uu diiday inuu heshiiska u kordhiyo United. (MEN)

Wolves ayaa u sheegtay tababaraheeda Nuno Espirito Santo inuu iska joojiyo damaca kaga jiro weeraryahannada Chelsea iyo Liverpool ee Olivier Giroud iyo Divock Origi, waxaanay sababtu tahay in aanay bishan January haynin lacag. (Mirror)

Bayern Munich waxay u dhowdahay inay heshiis hordhac ah lasii gaadho difaaca kooxda Reading ee Omar Richards. Everton iyo West Ham ayaa iyaguna xiisaynayay laacibkan reer England ee uu heshiiskiisu dhamaadka yahay xagaaga soo aaddan. (Guardian)

Fernandinho oo 35 jir ah ayaa wali qandaraaska u kordhinin Man City iyadoo ay jiraan tiro kooxo Yurub iyo Latin America ah oo saf ugu jira saxeexiisa. (Telegraph)

Arsenal waxay dusha kala socotaa garabka weerarka kooxda Shakhtar Donetsk ee Manor Solomon, waxaanay doonaysaa inay dalab ka gudbiso 21 jirkan reer Israel. (Guardian)

Difaaca Napoli ee Kalidou Koulibaly oo si weyn loola xidhiidhinayo Liverpool, Manchester CIty iyo Manchester United ayay kooxdiisu diyaar u tahay inay iibiso bishan January, laakiin waa haddii ay jirto koox bixinaysa £100 milyan oo Gini. (TalkSport)

Tiir-dhexaadka Real Madrid ee Casemiro oo 28 jir ah ayaa noqday laacibka ugu qaalisan kooxda reer Spain, sida ay muujiyeen khubarada hanti-dhawrka ee KPMG. (Mundo Deportivo)

Difaaca Barcelona ee Junior Firpo ayaa go’aansaday inuu sii joogo Nou Camp iyadoo ay hore usoo baxaysay in 24 jirkani uu ka baxo Barcelona. (Marca)

Jose Mourinho ayaa dib u weeraray laacibka khadka dhexe ee Mesut Ozil oo sheegay inuu ciyaaraha ka fadhiisan lahaa halkii uu Tottenham uga ciyaari lahaa. Mourinho ayaa ugu jawaabay in aanay jirin cid marka horeba doonaysa. (SUN)

AC Milan waxay danaynaysaa difaaca Chelsea ee Fikayo Tomori, waxaanu qorshahoodu yahay inay ku qaataan amaah inta ka hadhay xili ciyaareedka ah. (Guardian)

Manchester City waxay ka fiirsanaysaa inay xagaaga soo socda u dhaqaaqdo laacibka khadka dhexe uga ciyaara Sassuolo ee Manuel Locatelli oo ah 23 jir u dhashay Talyaaniga. (Daily Mail)

Weeraryahanka Islam Slimani oo u ciyaara Leicester City iyo xulka qaranka Algeria ayaa tijaabada caafimaadka u maraya Lyon maanta oo Arbaco ah. (Sky Sports)

Tottenham, Sheffield United, Rangers iyo Celtic ayaa dhamaantood doonaya 19 jirka u ciyaara kooxda Wigan ee Kyle Joseph oo u dhashay Scotland. (Mirror)

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*