Tababaraha Ugu Qurxoon Premier League Oo Loo Codeeyay & Natiijada Oo Ka Yaabin Doonta

Tababaraha ugu qurxoon horyaalka Premier League ayaa loo magacaabay macalinka kooxda Fulham Scott Parker sida ay u codeeyeen taageerayaasha.

Advertisements

Ra’iyi uruurin laga qaaday 2,457 taageerayaal ah oo ay sameysay shirkad khamaarka isboortiga sameysay ayaa lagu weydiiyay inay xushaan shanta tababare ee ay aaminsan yihiin inay ugu qurxoon yihiin horyaalka.

Parkey oo xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay tababare ka ah koox Premier League ah ayaa helay codadka boqolkiiba 68 isagoo ugu sarre maray dhamaan 20ka tababare ee horyaalka.

Macalinka Chelsea Thomas Tuchel ayaa kaalinta labaad soo galay isagoo helay 56 boqolkiiba codadkii la dhiibtay halka macalinka Arsenal Mikel Arteta uu helay boqolkiiba 54 codadka la dhiibtay.

Waxaa liiska ugu hoos maray macalinka waayo araga ah ee kooxda Crystal Palace Roy Hodgson oo helay kaliya boqolkiiba hal codadka la dhiibtay si la mid ah macalinka West Brom Sam Allardyce.

Advertisements

Waa sidaan sida ay u kala sarre mareen tababarayasha Premier League:

  1. Scott Parker
  2. Thomas Tuchel
  3. Mikel Arteta
  4. José Mourinho
  5. Jurgen Klopp
  6. Pep Guardiola
  7. Sean Dyche
  8. Dean Smith
  9. Graham Potter
  10. Ole Gunnar Solskjær
  11. Ralph Hasenhüttl
  12. Brendan Rodgers
  13. Nuno Espírito Santo
  14. David Moyes
  15. Carlo Ancelotti
  16. Marcelo Bielsa
  17. Steve Bruce
  18. Chris Wilder
  19. Sam Allardyce
  20. Roy Hodgson

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*