Tababaraha Barcelona Oo Qirasho La Yaab Leh Sameeyay: “Waan Walwalsanahay, Barcelona Uma Qalmin Inay Badiso”

Advertisements

Guuldarada labaad oo soo gaartay xilli ciyaareedka waxa ay la micno tahay war xun oo u soo yeeray Barcelona, tababare Ernesto Valverde ayaana qarsan waayay walwalka uu ka qabo qaab ciyaareedka kooxdiisa.

Barcelona ayaa sidii ugu xumeyd ku bilaabatay xilli ciyaareedka tan iyo 1994-95, Barcelona ayaan garoon marti ah ku soo badinin, waxaana ay kaliya heystaan todoba dhibcood ka dib shan kulan oo ay ciyaareen.

“Waan walwalsanahay sababtoo ah marka aan gurigeena ka maqanahay lama soo laabano natiijooyin fiican” ayuu qirtay Valverde.

“Marka afar kulan ay ku dhaafto bilaa natiijo, waxay calaamad u tahay inaysan wax hagaagsaneyn.

“Waxaa jira ciyaartoy xilli danbe nagu soo biiray, laakiin ma aanan aheyn kuwa fiican, marka aan garoon marti ah joogno uma ciyaarno si fiican.

“Ciyaarta waan heysanay, laakiin waan u bedeli weynay gooldhalin fursadihii ina soo maray.

“Ma aanan helin fursad aan ciyaarta dhanka kale ugu rogno.”

Markii la weydiiyay cida uu ku eedeynayo guuldaradii garoonka Estadio Nuevo Los Carmenes, Valverde jawaabtiisa waa ay cadeyd.

“Waxaa inaga maqan dhameystir weerar, waxay isku dayeen inay cadaadis ina soo saaraan, cadaadiskaas si fiican ayaan isaga caabinay, laakiin dhameystirkeena ayaa qaldanaa” ayuu sharaxaad ku bixiyay.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan horumar ka sameyno.”

Si kastaba, Velverde ayaan ka xishoonin inuu qaado mas’uuliyada xaalada ay kooxda ku jirto.

“Mar walba naftaada ayaad ku eedeyneysaa waxa dhacaya, aktarada waa ciyaartoyda laakiin ugu danbeyn waxaa mas’uuliyada iska leh tababaraha” ayuu yiri.

Advertisements

“Mar walba waad badin kartaa ama waad guuldareysan kartaa laakiin marka aad guuldareysato waa inaad u qalantaa guusha, maanta uma aanan qalmin guusha.”

Barcelona waxa ay bartamaha isbuuca Camp Nou ku wajaheysaa kooxda Villarreal ka hor inta aysan Getafe u safrin isbuuca soo socda.

Comments are closed.