16 Jirka Ansu Fati Oo Sabab U Noqday In Taageerayaasha Barcelona Ay Dalbadaan In La Iibiyo Luis Suarez

Advertisements

Taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa dalbaday in la iibiyo Luis Suarez ka dib markii xiddiga reer Uruguay uu mar kale ku guuldareystay inuu shabaqa ka soo taabto kooxda Villarreal.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay labo gool afar kulan uu ciyaaray horyaalka xilli ciyaareedkan, laakiin waxaa sii dhamaanaya taageerada uu ka helayo jamaahiirta Camp Nou.

Ka dib markii ay Barcelona la soo wareegtay Antoine Griezmann waxa ay muuqatay in Suarez uu ka sii tagayo kooxda.

Si kastaba, tababare Ernesto Valverde ayaa ceshtay xiddiga reer Uruguay waxaana uu ku soo bilaabay kulankii Granada ee Sabtidii iyo kulankii xalay ee Villarreal.

Ka dib markii uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto labada kulan, taageerayaasha Barcelona ayaa ka daalay weeraryahanka iyadoo 32 jirkaan uu hoos u dhacay qaab ciyaareedkiisa.

Iyadoo 16 jirka Ansu Fati uu soo baxay xilli ciyaareedkan kaasoo dhaliyay labo gool shan kulan uu saftay, waxay taageerayaasha Barcelona dalbadeen inuu Suarez shumaca ku wareejiyo da’ yarkaan.

“Haatan waxaa la joogaa waqtigii ugu fiicneyd ee la iibin lahaa Suarez” ayuu soo qoray taageere.

Mid kale ayaa yiri: “Barcelona waa inaad iibisaan Suarez, ma doonayo inaan ku sii arko maaliyada Barca. Fekerkaan aniga kaliya iguma koobna.”

“Ciyaarta soo socota Valverde waa inuu Ansu Fati ku soo bilaabaa oo uu keyd geliyaa Suarez.” ayuu soo qoray mid kale.

Advertisements

“Labo daqiiqo uu Ansu Fati ciyaaray ayaa ka halis badan 75 daqiiqo uu Suarez ciyaaray” ayuu yiri taageere kale.

“Waqtigii Suarez ee Barcelina waa uu soo dhamaaday:” ayuu soo qoray mid kale.

8 responses to “16 Jirka Ansu Fati Oo Sabab U Noqday In Taageerayaasha Barcelona Ay Dalbadaan In La Iibiyo Luis Suarez”

  1. Anna taageerasha caydhin ayaan ku jiraa xidiga ree uruguay
    Feeti culayska haa kaqaado

  2. King abdirohman says:

    Luis Suarez waa lacib wayen mana la bar bardhigi karo Ansu Fati Suarez waa gool dhaliya wayen halis tisna badan tahay

  3. Asc laaacib net name is Marwaan Hassan says:

    Suarez is a big play of the word runtii

  4. ma suarez baa khatar ah xagee lagu arkay number 9 4 sono 2 goal champions league dhaliyey marka Barcelona martida tahay war niyohiw Ciyaaraha sifiican uma daawatid suarez koob lama joogo culaysna wuu fuulay ma ordi karo marka ha iska iibiso Barvelona saa saan qabaa waa khasaaro ninkaas

  5. cali yare says:

    Luis Suarez waa ciyaaryahan weyn Barcelona u sababay guulo badan oo ay gaartay marka maanta in cunug xun oo labo maalmood bodboday lala barbardhigo waxay ka mid tahay xushmad darad kooxaha horyaalka Spain.

    Aaduunka oo dhan ayaa wali la yaaban qaabkii ay Real Madrid ula dhaqan tahay kabtankeedii iyo goolhayaheedii hore ee Iker Casillas kaas oo ahaa mid mid ah ciyaartooydi ugi guulaha badan ee Caalamka. la yaab ma leh Suarez waxa hadda lagula dhaqmayo. Waxaan aaminsanahay in haddi u joogi laha kooxdiisi hore ee Liverpool in maalin kasta ay hees cusub u qaadi lahayeen.

    • Kooxana waa kuwo lagu riyoodo in loo ciyaaro kooxana waa kuwa abaal u haya ninkii 10 goal udhaliya oi kooxda ka magac waynaada markaa liverpool waa kooxaha magaca ku yeesha laacibkii 10 goal iyo ja badanba udhaliya suerez waan taageeraa waana dilaa isagoo cuslaaday buu ka khatar badanyahay qaar badan lkn waxaa qasab ah in jaaniska la,la qaybsado

  6. Kooxaha real madrid iyo Barcelona waxaan ku kacay wax ixtiraama playerka uma mujiyaan markuu kooxda la qabsan waayo oo u cisub yhy iyo marka abaar goolal la aan ku dhacdo ayaamo waa labo kooxood oo bilaa ixtiraama countinho wad ogaydeen say ula dhaqmeen Real Madrid kasalis sal ula dhaqmeen

  7. Hay sidee wax uwadan tagerayasha LCB kuxiran iyo kuwa calamkaba ma Suarez makii shalay un badalka kuyimid oo 2 dhalshay Messi oo maqan ninkan waa kii Real Madrid dhulka kujidi jiray Suarez waa halyeey liver iyo barca oo aad uhalisbadan oo dafacyada kaxanajin Karo marka ma ahan in fati labuun buniyo..