Barcelona ayay u taallaa shaqo badan oo u muuqata mid aan la dhamaystiri karin marka ay Arbacada habeen dambe u tagaan Paris Saint-Germain oo ay magaalada Paris kula soo ciyaari doonaan lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League.
Kooxda reer Spain ayaa taariikhda Champions League ku gashay guushii soo laabashada ahayd ee ay sannadkii 2017kii ka gaadhay PSG oo 6-1 ay ku garaacday iyadoo kulankii hore lagaga soo badiyey 4-0, isla markaana hal gool laga dhaliyey intii ay socotay lugta labaad.
Laakiin marka ay tagaan Paris, awood uma yeelan doonaan inay ka daba yimaaddaan PSG oo lugtii hore 4-1 ku garaacday iyagoo waliba ku ciyaarayay garoonka Camp Nou ee Barcelona, sida uu rumaysan yahay halyeygii Barcelona iyo Brazil ee Rivaldo.
Xiddigan hore ee Barcelona ayaa tibaaxay in Barcelona aanay lahayn awooddii ay haysteen afar sannadood ka hor markii ay PSG guusha weyn ee soo laabashada ah ka gaadheen, balse markii horeba ay lama filaan ahayd in afar gool lagaga dhaliyo garoonkooda.
Rivaldo oo ka hadlayay kulanka habeen dambe ayaa yidhi: “Ilama aha in Barcelona ay samayn karto soo laabasho. Xataa ma garanayo in ciyaartoydu ay rumaysan yihiin inay sidaas samayn karayaan. Waxay ila tahay in aanay macquul ahayn in Barcelona ay afar gool ku dhaliso Paris.”
Lugtii hore ee magaalada Barcelona, waxa PSG ka maqnaa xiddigaheeda Neymar Jr iyo Angel di Maria, waxaanay awood u yeelatay inay baabi’iso Barca oo garoonkeeda joogta, sababtan darteed ayaanu Rivaldo u rumaysan yahay in aanay mar kale maqcuul ahayn in Barca ay la timaaddo soo laabasho.
“Dhab ahaantii ma filayo in farqi badan u dhexeeyey PSG iyo Barcelona lugtii hore iyadoo ay waliba maqnaayeen Neymar iyo Angel di Maria.”
Neymar ayaa inkasta oo uu kusoo laabtay tababarka waxa uu haddana ka maqan yahay kulankan oo degdeg ku noqday, laakiin waxa jooga Angel di Maria oo kasoo kabtay dhaawac.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Kubadu wa cadan iyo madow
Barca iney Soo laban donoto Ayan rajeyna
Waaan u bahanahy