SUUQA: Bayern Munich Oo Xiriir La Sameysay Xiddig Ay Isha Ku Hayeen Kooxaha Juventus & Real Madrid.

Advertisements

Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo warramayaa iney xiriir la sameysay kubad sameeyaha kooxda Spurs Christian Eriksen kaas oo qiimo jaban lagu heli karo bisha January, maadaama uu xiddigaan qandaraaskiisa dhacayo marka uu dhamaado fasal ciyaareedkaan.

Eriksen ayaa lasoo sheegayaa inuusan ku faraxsaneyn joogista garoonka White Hart Lane, wuxuuna doonayaa inuu tartan cusub ka bilaabo meel kale, sidoo kalana uu soo afjaro lix sanadood uu ku sugnaa kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Bayern Munich waxey dooneysaa iney xiddigaan heerka caalami lasoo wareegto bisha January, sida laga soo xigtay SPORT1.

Waxey sidoo kale ku warramaeen in Bayern Munich ay xiriir toos ah la sameysay xiddigaan, loona sheegay inuu u furan yahay imaatinka halkaan.

Advertisements

Bayern Munich ayaa bishii lasoo dhaafay 7-2 ku garaacday Spurs kulan ka dhacay London kana tirsanaa koobka UEFA Champions League, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Pochettino iyo qaar ka mid ah ciyaartoyda aysan gabi ahaan ku faraxsaneen nolosha kooxda.

Eriksen ayaa u saftay 277 kulan tan iyo markii uu kooxda yimid 2013, 66-gool ayuu shabaqa soo taabsiiyay, balse wali koob kulama guuleysan.