SUUQA: Barcelona Oo Horyaal Ka Baxsan Shanta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub Ka Heshay Badalka Luis Suarez.

Advertisements

Barcelona ayaa lagu soo warramayaa iney soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka da’da yar ee layaabka ka dhigaya qaaradda yurub Eling Haaland kaas oo ay sidoo kale doonayaan dhawr kooxood oo ka dhisan qaaradda yurub.

19-jirkaan ayaa ku raaxeysanaya wakhtigiisa quruxda badan ee kooxda Salzburg ee ka dhisan Austria, sidoo kalana wuxuu wacdaro ka dhigayaa koobka xiisaha badan ee horyaalada yurub, durba rikoor aan caadi aheyn ayuu sameeyay maadaama uu 7-gool ku dhaliyay 4-kulan.

Si kastaba majaladda Marca ayaa baahisay in Barcelona ay kusoo biirtay tartanka xiddigaan loogu jiro, waxeyna doonayaan inuu badal u noqdo Luis Suarez oo 33-jirsan doona bisha January ee soo aadan.

Xiddiga reer Uruguay ayaa dhaliyay 8-gool, 12-kulan uu dhamaan tartamada oo dhan u saftay kooxdiisa fasal ciyaareedkaan, balse dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray darteed waxaa la filayaa in kooxdiisa ay ka tashato.

Sidoo kale Barcelona waxey isha ku heysaa Luatro Martinez oo ka tirsan Inter, inkastoo kooxda ka dhisan San Siro ay ku adkeysaneyso ineysan iska iibin doonin xiddiga reer Argentina ah.

Advertisements

Balaugrana waxey ku fashilantay iney gool ka dhaliso Slavia Parague kulankii xalay ka dhacay Camp Nou, ciyaar ka tirsan koobka horyaalada yurub.

Erling Haaland waxaa sidoo kale doonaya kooxaha Man United, Real Madrid, Man City, Juventus iyo Bayern Munich.

Comments are closed.