SUUQA: Barcelona Oo Dooneysa Iney Lasoo Saxiixato Weeraryahanka Ugu Goolasha Badan Arsenal.

Advertisements

Kooxda Barcelona ayaa dooneysa iney la saxiixato inta lagu jiro bishaan January weeraryahanka ugu goolasha badan Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Kooxda reer Spain waxey baahi weyn u qabtaa weeraryahan badal u noqda xiddiga ka dhaawacan ee Luis Suarez, waxeyna ishaarteen 30-jirka reer Gabon ee Aubameyang.

Xiddigii hore Dortmund ayaa ka ganaaxnaa kooxdiisa saddexdii kulan ee ugu dambeysay kadib markii uu casaan toos ah qaatay ciyaar ay horyaalka la ciyaareen Crystal Palace, wuxuuna fasalkaan dhaliyay 16-gool dhamaan tartamad oo dhan.

Tan iyo markii kooxda Arsenal laga diray Unai Emery, waxa shaki la galinayay mustaqbalka Pierre-Emeric Aubameyang, waxaana hadda diyaar u ah iney qaadato Barcelona walow uu goor hore ka dhawaajiyay inuu taageero ba’an u yahay kooxda Real Madrid.

Advertisements

Balaugrana waxey kaliya ka cabsi qabtaa in Aubameyang uu wali ugu qiimeysan yahay 50 Malyan oo Pound, mana u diyaarsana iney ka bixiyaan lacag intaas la eg, xiddig ay 18-bilood uga hartay qandaraaskiisa.

Sidoo kale waxaa jirta sheeko ay maamulka Barcelona uga fakari karan Gabriel Martineli oo 10-gool dhaliyay 21-kulan uu saftay fasalkaan.

Comments are closed.