SUUQA: Atletico Madrid Oo U Dhaqaaqi Doonta Xiddig Arsenal Ka Tirsan Hadii Ay Ku Fashilanto Edinson Cavani.

Advertisements

Atletico Madrid ayaa qorsheyneysa iney u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette hadii ay ku fashilmaan saxiixa Edinson Cavani oo ay hadda ka shaqeynayaan.

Kooxda reer Spain ayaa raadineysa weeraryahan cusub kadib markii ay ku dhibtootay gooldhalinta fasalkaan kulamada maxaliga ah, waxeyna isha ku hayaan Cavani oo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaagan.

Atletico waxey dooneysaa iney la saxiixato xiddiga reer Uruguay, balse waxey kasii fakarayaan qorshaha xiga maadaama ay milicsadeen Lacazette.

Shabakadda Marca ayaa fahamsan in Atletico Madrid ay si weyn xooga u saari doonto sheekada xiddigii hore Lyon waa hadii ay ku fashilmaan iney Cavani ku qanciyaan inuu yimaado magaalada Madrid.

Advertisements

Simeone wuxuu dhanka weerarka u heystaa Joao Felix iyo Alvaro Morata, balse Diego Costa ayaa ku wareeray inuu kooxda saacido maadaama ay dhaawacyadiisa bateen, sidaas darteed waxey u baahan tahay weeraryahan cusub.

Kooxaha Man United, Chelsea & Inter Milan ayaa xiiseynaya xiddiga reer Uruguay kaas oo horay uga soo ciyaaray horyaalka talyaaniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.