Steven Gerrard Oo Gaadhay Finalkiisii Ugu Horeeyay Isaga Oo Tababare Ah Iyo Kulan Adag Oo Horyaala.

Advertisements

Steven Gerrard ayaa markii ugu horaysay awooday in soo gaadho kulan final koob tan iyo markii uu bilaabay waayihiisa tababaranimo ka bilaabay kooxda Rangers.

Steven Gerrard ayaa haysta fursad uu koobkiisii ugu horeeyay ee ka tababare ahaan uu u ugu guluaysansan karo inkasta oo ay mari doonaan imtixaan aad u adag kadib markii ay Rangers balan ka samaysatay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Celtic.

Steven Gerrard ayaa kooxdiisa Rangers ka caawiyay in ay 3-0 ku xasuuqeen kooxda Hearts kulankii afar dhamaadka Scottish league Cup waxayna hadda finalka koobkan ku balansan yihiin Celtic.

Kooxaha Rangers iyo Celtic ayaa ah labada kooxood ee ugu awooda badan horyaalka Scotland inkasta oo Celtic tahay kooxda koobabka ugu badan ku soo guulaysanaysay tobankii sanadood ee ugu danbeeyay.

Laakiin Steven Gerrard oo xamaasad badan ku soo kordhiyay kooxda Rangers ayaa isha ku haya in uu finalkiisii ugu horeeyay soo safo kooxdiisa Rangers isaga oo doonaya in uu koobkii ugu horeeyay uu la qaado Rangers.

Steven Gerrard ayaa waayihiisa tababaranimo ka bilaabay kooxda da’yarta Liverpool laakiin waxa uu sanadkii labaad maamulayaa kooxda Rangers oo uu horumar fiican ku sameeyay.

Advertisements

Inkasta oo halka uu Steven Gerrard u socdaa ay tahay in uu Liverpool tababare u noqdo isla markaana haddaba la saadaalinayo in uu noqon doono badalka Jurgen Klopp, haddana waxa uu marka hore doonayaa in uu Rangers koobab kula soo guulaysto.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka finalka Scottish League Cup ee kooxaha Rangers iyo Celtic ayaa noqon doona mid aad u xiiso badan oo uu Steven Gerrard ku raadin doono koobkiisii ugu horeeyay ee ka tababare ahaan.

Comments are closed.