Steven Gerrard Iyo Xabi Alonso Oo U Jawaabay Xiddiga Liverpool Thiago Alcantara

Advertisements

Xiddiga Liverpool Thiago Alcantara ayaa u doortyau halyeeyada khadka dhexe Steven Gerrard iyo Xabi Alonso xiddigihii ugu fiicnaa ee uu khadka dhexe ka garab ciyaari lahaa, haatana labada nin ayaa u soo jawaabay.

Thiago ayaa ka qeyb qaadanayay barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah isagoo weli dib u helaya taam ahaanshihiisa.

Xiddiga reer Spain ayaa u muuqda saxiix cusub oo bishaan Janaayo ah ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac jilibka ah isagoo haatan xiriir la sameynaya taageerayaasha.

Su’aalihii la weydiiyay waxaa ka mid ah inuu magacaabo xiddigaha khadka dhexe ee uu ka garab ciyaari lahaa. Wuxuu doortay halyeeyada Liverpool Gerrard iyo Alonso.

Thiago ayaa yiri: “Waxaan la soo ciyaaray Xabi Alonso, sidaasi darteed waxaan dhihi karaa isaga ayaa ka garab ciyaari lahaa. Maxaa diidaya Steven Gerrard? Waa halyeey khadka dhexe, isagana waa hubaal waan ka garab dheeli lahaa.

“Haddii aan ka garab ciyaari lahaa Steven Gerrard waxay ii noqon laheyd hubaashii inaan wax badan ka baran lahaa kubada cagta.”

Gerrard ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay ee jawaab ka soo bixiya hadalka Thiago isagoo jawaabtiisa ku hoos qoray muuqaal ay Liverpool dhigtay Instagram.

“Taasi waxay ahaan laheyd farxadeyda, i aamin” ayuu Gerrard u qoray Thiago.

Alonso ayaa isna raacay wadada Gerrard isagoo ku jawaab celiyay: “Waan arki karaa khadkaas dhexe” wuxuuna raajiyay emoji badan oo murqo ah.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*