Sorry Cristiano, Imika Ma Tihid Xiddiga Ugu Muhiimsan Juventus – Ronaldo Oo Lagala Wareegay Muhiimadii Juve & Xiddiga Haatan Laf Dhabarta U Ah.

Advertisements

Cristiano Ronaldo wali waa hoggaanka Juventus sida ay dad badani u arkaan balse marka loo eego falsafada tababare Maurizio Sarri iyo qaabka uu doonayo inay kooxdiisa Juventus u socoto maaha xiddiga ugu muhiimsan.

Xiddiga haatan laf-dhabarta u ah Juve ayaa lagu sifeeyay inuu yahay kubad sameeye Miralem Pjanic oo loo arko inuu yahay Jorginho-ha cusub ee uu Maurizio ku helay Bianconeri.

Image result for Pjanic and Ronaldo"

Miralem ayaa shaki la galinayay taam ahaanshihiisa kulankii Derby Della Mole ee ay Torino dhawaan booqatay Juventus balse ugu dambayn ayuu taam u noqday isagoo dhammaan 90-ka daqiiqo ciyaaray.

Pjanic ayaa u muuqda midka kaliya ee qaban kara shaqada uu haatan Sarri ka doonayo khadkiisa dhexe ee dambe, Rodrigo Bentacur ayaa isku dayay inuu sidaas sameeyo kulankii Genoa, Walow uu bandhig aan xumayn sameeyay haddana Bentacur ayaan kulanka u xakamayn karin sida Pjanic.

Advertisements

Hadalkii uu dhawaan tababare Sarri ku sheegay sida ay ugu xiiseen tayada Pjanic iyo sidii uu kubadda ugu dhaqaajin jiray kooxdiisa ayaa caddayn u ah sida uu u noqday hubka ugu muhiimsan ee uu tababarahani ku haysto Allianz Stadium.

“Waxaanu u xiisnay tayadiisa, Dabcan, Laakiin sidoo kale qaab ciyaareedkiisa joogtada ah sababtoo ah kubadda si deg deg ah ayuu u dhaqaajiyaa ciyaartayaduna waxay noqotaa mid marka kale ka dhakhso badan ka natiijo ahaan”.

4 responses to “Sorry Cristiano, Imika Ma Tihid Xiddiga Ugu Muhiimsan Juventus – Ronaldo Oo Lagala Wareegay Muhiimadii Juve & Xiddiga Haatan Laf Dhabarta U Ah.”

  1. saxiib waa fikirkaaga liita waxaasi meel uu cr7 joogo nin kale isma soo sharaxo markaa arinkaa dib ugu noqo ku leenahay

  2. Hadal nin sports ga wax kayaqaano Ma ahan hadalkaaan cr7 iyo carur aad isku meel Soo dhigaysaa awowe waxaad rabtid ha noosheegin anaka pls dadka kaa cilmi badan aa nahay

  3. WA sax inu pjanic yahay kan ugu sameyn ta badan asigoo rabo inuu kulan kasta kubada taabto in kabadan 150 waxaan ahay taageero juve aadna ula socdo wararka juve.
    Now, it’s different. My team-mates always look for me and I like that.

    “It all depends on what the coach asks of me but I play more passes and now I want to touch the ball 150 times per game.”