Son Heung-min Oo La Dhibtoonaya Saameyn Dhanka Maskaxda Ah Kadib Dhaawacii Andre Gomes Xilli Laga Yaabo Inuu Seego Safarka Belgrade.

Advertisements

Tottenham Hotspur ayaa si weyn kaga walaacsan xaaladda maskaxeed ee xiddigooda reer South Korea Son Heung-min, waxaana laga yaabaa inuu taam buuxa u noqon waayo safarka ay ku aadi rabaan magaalada Belgrade.

Spurs ayaa todobaadkaan ciyaareysa kulamada koobka horyaalada yurub kadib barbarahii ay la galeen Everton kulan ku dhamaaday 1-1.

Son wuxuu saameyn muuqata ku yeeshay dhaawacii soo gaaray Andre Gomes oo ciyaarta laga saaray qeybahii ugu dambeeyay, inkastoo casaan la siiyay xiddiga hadana dareenkiisa ayuu xakameyn waayay wuxuuna ku sugnaa xaalad aan caadi aheyn ilaa kadib ciyaarta.

Advertisements

Si kastaba ha ahaatee, Spurs waxey walaac ka qabtaa caafimaadka xiddigaan ee dhanka maskaxda maadaama uusan wali kasoo kabsan naxdintii uu ka qaaday dhaawaca Andre Gomes.

Tottenham waxey aadi doonaan Serbia si ay ula soo ciyaaraan kooxda Red Star Belgrade, waxeyna dib u heli karaan Harry Kane oo seegay kulankii isbuucaan ee horyaalka.

One response to “Son Heung-min Oo La Dhibtoonaya Saameyn Dhanka Maskaxda Ah Kadib Dhaawacii Andre Gomes Xilli Laga Yaabo Inuu Seego Safarka Belgrade.”