Solskjaer Oo Xaqiijiyay In Paul Pogba Uu Ka Mid Yahay Todobo Xiddig Oo Dhaawac Ku Seegaya Kulanka Man United & Leicester

Advertisements

Man Utd ayaa wajaheysa labo kulan oo ay ka maqnaanayaan xiddigaha Paul Pogba iyo Anthonay Martial iyadoo labada xiddig ay u dagaalamayaan inay taam buuxda noqdaan mar kale.

Labada ciyaaryahan ayaa dhaawacyo ay soo gaareen ka hor kulamada heerka caalami taasoo keentay inay ka maqnaadaan xulkooda Faransiiska ee kulamadii isreebreebka Euro 2020.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku rajo weynaa inuu dib u helayo kulanka Leicester City ee Sabtida laakiin waxa uu maanta xaqiijiyay inay seegayaan.

Pogba iyo Martial ayaa sidoo kale la filayaa inay seegaan kulanka furitaanka wareega group-yada Europa League ee ay la ciyaarayaan kooxda Astana maalinta Khamiista.

Solskjaer ayaa yiri: “Pogba taam uma noqon doono kulanka Leicester, marka laga reebo inuu si mucjiso ah u soo kabsado hal habeen gudaheed. Diyaar uma uusan aheyn inuu tababarka buuxda ka qeyb qaato, sidaasi darteed maya ma ciyaarayo Sabtida.

“Waxaan rajeyneynaa inuu diyaar u noqdo kulanka West Ham ee isbuuca danbe, Paul iyo Anthonay waa dhaawac. Waxaan rajeynayaa inay taam u noqdaan kulankaas, wax intaas ka badan ma oran karo.”

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Waa Kuwan AFARTA Daafac Dhexe Ee Uu Pep Guardiola Midkood Lasoo Saxeexan Karo January Si Uu Tartanka Horyaalka Ula Galo Liverpool.

Pogba ayaa isagoo lugta jiidaya ka baxay kulankii ay Man United barbaraha la gashay Southampton labo isbuuc ka hor waxaana ka dib la xaqiijiyay in dhaawac uu ka soo gaaray canqowga.

Anthony Martial isagu ma ciyaarin tan iyo guuldaradii kooxda ka soo gaartay Crystal Palace 24kii Agoosto isagoo dhaawac ka qaba muruqa bowdada.

United ayaa sidoo kale ka walwalsan xaalada caafimaadka ee Aaron Wan-Bissaka iyo Jesse Lingard kuwaasoo laga reebay kulamadii heerka caalami.

Advertisements

Lingard ayaa la filayaa inuu ka soo kabsado xumad heysay laakiin Wan-Bissaka shaki weyn ayaa ku jira inuu ciyaari karo isagoo maraya baaritaan xilli danbe ah isagoo dhibaato ka qaba dhabarka.

Luke Shaw, Diogo Dalot iyo Eric Bailly ayaa dhamaantood iyagana dhaawacyo ku seegaya kulanka Man United iyo Leicester si la mid ah Timothy Fosu-Mensah.

Comments are closed.