Solskjaer Oo Manchester United Miiska U Saaray Magaca Weeraryahan Dillaa Ah Oo Uu Ku Beddelayo Edinson Cavani

Advertisements

Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku wargeliyey maamulka kooxda weeraryahanka uu doonayo in la keeno Old Trafford marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga dambe, markaas oo uu ku egyahay heshiiska sannadka ah ee Edinson Cavani ay la gaadheen.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kala doortay liis weeraryahanno ah, waxaana uu lasoo baxay laacib ay isku waddan yihiin oo uu doonayo inuu kaga hormaro kooxo kale oo waaweyn oo doonaya oo ay ku jirto Real Madrid.

Cavani ayaa Manchester United ka ambobixi doona xagaaga dambe haddii aanay kooxdu hirgelin sannad labaad oo heshiiska ay dhowaanta ka saxeexeen uu u ogolaanayay oo doorasho ah, laakiin Ole Gunnar Solskjaer ma doonayo in uu waqti dambe iska sii lumiyo.

Advertisements

Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegay in maamulka kooxda uu miiska u saaray dhawr ciyaartoy oo weeraryahanno heersare ah oo uu doonayo in la keeno Old Trafford xagaaga soo socda, waxaana ugu horreeya Erling Haaland oo Borussia Dortmund u ciyaara.

Laacibkan oo la sheegay in heshiiskiisa Dortmund lagu burburin karayo lacag dhan £68 milyan oo Gini ayuu Solskjaer ka shaqayn doonaa sidii uu xidhiidh shaqsi ah ula samayn lahaa ee uu ugu qancin lahaa inuu Old Trafford yimaaddo, halka kooxdana uu ku riixi doono inay bixiyaan dhamaan lacagta ku xidhan heshiiska laacibkan oo uu hore ugu soo tababaray naadiga Molde ee waddanka Norway ka dhisan.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa ka hor intii aanu warkani soo bixin waxay shalay daabaceen in Manchester United ay xagaaga dambe diyaarin doonto lacag ka badan £176 milyan oo Gini oo ay kula soo saxeexan doonto Erling Haaland iyo Jadon Sancho.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*