Solskjaer Oo Lagula Taliyay In Uu Sameeyo Saxiixyo Afar Ah Si Uu Xaalada Man United U Badali Karo.

Advertisements

Kooxda Manchester United ayaa si wayn loogaga hadlayaa warbaahinta England iyo guud ahaan caalamka kadib markii ay qaabkii ugu xumaa kaga soo jireen xili ciyaareedka Premier League.

Solskjaer ayaan cago adag ku taagnayn wuxuuna markastaba la kulmi karaa shaqo ka caydhin haddii ayna ka soo rayn xaalada uu Old Trafford kaga sugan yahay.

Halyayadii hore ee kooxda Manchester United ee Ryan Giggs iyo Lee Sharpe ayaa tababare Ole Gunnar Solskjaer siiyay tallo muhiim ah waxayna u sheegeen in uu sameeyo saxiixyada afar xidig oo uu xaalada United ku badali karo.

Talada Giggs iyo Lee Sharpe ayaa lacag badan ku kici karta iyada oo Ed Woodward uu ku qasbaan karo in haddii uu sii aaminayo Solskjaer in uu markale lacag badan suuqa January kharash gareeyo.

Liiska afarta saxiix ee ay Lee Sharpe iyo Giggs soo jeediyeen waxaa kaalinta kowaad kaga jira Harry Kane kaas oo ay doonayaan in uu xal u noqon karo dhibaatada weerarka Man United.

Manchester United ayaa waqti dheer lala xidhiidhinayay Harry Kane kaas oo ay kooxdiisa Tottenham iyaduba ku dhibtoonayso Premier League iyo Champions League.

Harry Kane laftiisa ayaa la kulmaya talooyin ah in uu iskaga baxo Tottenham oo uu ku biiro kooxaha waa wayn inkasta oo Manchester City lagula talinayay inta badan.

Qiimaha suuqa ee Harry Kane ee transfermarkt ayaa ah 135 milyan inkasta oo ay Tottenham ayna diyaar u ahayn in ay iibiso isla markaana ay qiimo waali ah duldhigi karto haddiiba la soo dalbadao xidiga reer England.

Haddaba halkan kaga bogo afarta ciyaartoy ee ay Lee Sharpe iyo Ryan Giggs doonayaan in Solskjaer uu shaqadiisa iyo man United ku badbaadin karo, qiimaha ay suuqa ka taagan yihiin iyo kooxaha ay ka tirsan yihiin.

1 – Harry Kane (Tottenham Hotspur)

Qiimaha Suuqa Ee transfermarkt.com:  £135m

2 – Bruno Fernandes (Sporting Lisbon)

Qiimaha Suuqa Ee transfermarkt.com: £49.5m

3 – Hakim Ziyech (Ajax)

Qiimaha Suuqa Ee transfermarkt.com: £36m

4: Stefan Savic (Atletico Madrid)

Qiimaha Suuqa Ee transfermarkt.com: £31.5m

Advertisements

Haddii ay Man United talada halyayadeeda qaadato oo ay afartan saxiix samaysato waxay shaxda Solskjaer noqon kari lahayd qaabka hoose.

Haddaba akhriste, haddii aad taageere Man United ah tahay, miyaad filaysaa in shaxdani noqon kari lahayd mid ay Red Devils ku soo laaban kari lahayd?

13 responses to “Solskjaer Oo Lagula Taliyay In Uu Sameeyo Saxiixyo Afar Ah Si Uu Xaalada Man United U Badali Karo.”

  1. 1.kane
    2.ziyech
    3.fernendes
    Waa sax waxay noqon lahaad kooxdii adunka ugu qalisan

    • Mahamed awill says:

      Man utd waxay ubaahan tahay marka run laga hadlo xidigaha eriksen koulidubally b chelwel kane D.costa

      • Anigu waxaan qabaa inay fiican tahay arinkaasu waayo waa isbadal sax ah

  2. haa wn filayaa waana talo wngsan

  3. Abdiwahab says:

    Man United umabaah no kaliya ciyaar tay
    Waxay ubaahan yihiin qaab ciyaared mana ahan team isfahan san mar ka hore waa in ladhisaa
    Qaab ciyaaredka team ka hadii kale qofkii lakeenaba wuu fashil mayaa

  4. kaaley nin la eryi rabo baad waxaad leedihiin waxa lagu taliyey saxiixyo ma isagaa january gaarayaba

    • Taasan been ahayn nin la eryaayo ayey talo siinayaan

  5. Haa wasax sida aad shegaysid waba hadii lagayeelo saxiixyada

  6. Magacayga waa maxamuud xaaji o jooga garowe says:

    Markan ka dhiibto fikraday man utd waxay ubahantahay gadoomiye go aan leh 1 in laga cayriyo woodward gadomiye cusub loo dhiibo markaas wax kaste xal ayaa laga gaari karaa manutd waxa hoos u dhigay waa isaga maxa yeelay macalinkasta kooxda la keeno wuxu kadalbado looma keeno sedee xal loo gaaraa marka.

  7. Taasan been ahayn nin la eryaayo ayey talo siinayaan

  8. Wa arin so jiidasho leh wxan oran laha waku saxan yihiin ole tababaraha in loodayo wn jeclaan laha lacibitas na la keeno sida ugu dhaqsiyaha badan

  9. Xaji farax says:

    Haa waa hadii lakeeno kooxda rabay noqon sidaa filayo

  10. zaki yare says:

    haa waa talo wngsn lkn uma malenayo inu qadan dona coach solsher @@@ wayo waxay u bahante qof bedixla ah ama gurle ah tankala qof Eglan ah marabna laacib donto uu yahay