Solskjaer Oo Kashifay Ciyaartoyga Lama Filaanka Ah Ee Macallinka U Noqday Anthony Martial

Weeraryahanka reer France ee Anthony Martial, waxa uu maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyga ee January nasiib u yeeshay, in Old Trafford loogu keeno ciyaartoy aanu markaas filayn inuu wax badan ka baran doono, laakiin waxa  kaliya ee niyaddiisa ku jiray ay ahayd in booska uu ku qabsan doono.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in Anthony Martial uu wax badan ka faa’iidayo weeraryahanka reer Nigeria ee Odion Ighalo, oo u noqday macallin uu aqoonta ciyaarta iyo habka weerarkaba ka korodhsado, waxaase uu hoosta ka xariiqay in tartanka weerarka dhexe ee No.9 uu furan yahay.

Ighalo oo 31 jir ah, waxa uu khibrad kasoo helay horyaallada Nigeria, Norway, Italy, Spain, England iyo China oo uu intaba kasoo ciyaaray, waxaanu Martial ku caawinayaa khibraddaas, sida uu Solskjaer sheegay.

“Odion waa ciyaartoy No.9 ah. Xirfaddiisa oo dhan booskaas ayuu ka ciyaarayay, halka uu Anthony inta badan ahaa garab.” Ayuu yidhi Solskjaer.

“Odion wuxuu ku dhex caawinayaa garoonka tababarka, sida qaabka dhaqaaqa, kubbad qabashada, iyo sidii uu naftiisa ugu kalsoonaan lahaa. Anthony na wuxuu ka baranayaa khibradda weerarka tooska ah.” Ayuu ku daray.

Tababare Solskjaer waxa uu qirsan yahay xaqiiqadaha ah in Martial aanu joogto ku ahayn booska weerarka tooska ah oo uu marba meel ka ciyaaro, waxaanu yidhi: “Waa xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee si dhab ah uu ugu ciyaarayo No. ahaan.”

Anthony Martial ayaa toddobaadkii hore loo diiwaangeliyey saddexlaydiisii ugu horreysay ee intii uu joogay Manchester United, waxaana muuqata inuu isbeddel weyn oo horumar ah samaynayay xili ciyaareedkan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*