Solskjaer Oo Farxad Ka Helay Xerada Tababarka Kooxdiisa & SADDEXDA Xiddig Ee Usoo Laabtay Kahor Kulanka Adag Ee AC Milan

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa war wanaagsan ka helay xerada tababarka ee kooxdiisa kahor kulamada muhiimka ah ee ay maalmaha soo socda ka ciyaarayaan tartanada UEFA Europe League iyo FA Cup oo ay labadaba ka rajo qabaan xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Man United oo laba kulan oo xilli ciyaareedkeeda wax weyn ka go’aamin kara booqanaysa AC Milan iyo Leicester City ayaa dib tababarka uga heshay saddexleyda xiddigaha ah ee kala ah Paul Pogba, Edinson Cavani iyo Donny Van De Beek.

Image

Man United ayaa 11-kii bishan bar-bardhac 1-1 ah lasoo gashay AC Milan oo ay Old Trafford ku kulmeen waxaana ay markan Khamiista booqanayaan gegida San Siro si ay halkaas ugu soo kala baxaan Milan.

Pogba ayaan Man United usoo ciyaarin tan iyo kulankii ay bar-bardhaca 3-3 ah lasoo galeen Everton oo ku beegnayd 6-dii bishan February halka Cavani uu dhaawac kaga baxay kulankii ay 0-0 kusoo kala baxeen Crystal Palace horraantii bishan isaga oo saddex kulan seegay tan iyo mudadaas.

Advertisements

Waxa la midaysan xiddigahaas khadka dhexe ee Dutch-ka ah ee Donny Van De Beek kaas oo loo magacaabay kursiga keydka kulankii Chelsea ee 28-kii February balse aan kasoo muuqan kooxdiisa tan iyo 14-kii February.

Cavani ayaa la filayaa inuu booska weerarka dhexe kaga soo hormari doono Anthony Martial kaas oo qudhiisu dhaawac ku seegay kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisu ay kasoo adkaatay West Ham United.

Dhinaca Milan waxa la filayaa inuu kusoo bilawdo Zlatan Ibrahimovic oo isaguna seegay kulankii lugtii hore, si lamid ah kabtan Romagnoli iyo Ismael Bennacer.

Advertisements

Image

Image

Image

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*