Solskjaer Oo Dhibaato Hor Leh Ay Soo Wajahay Iyadoo Xiddig Muhiim Ah Uu Seegayo Kulanka Liverpool Ee Isbuuca Danbe

Advertisements

Xiddiga Manchester United Paul Pogba ayay u badan tahay inuu seegi doono kulanka ay kooxdiisa soo dhaweyneyso Liverpool isbuuca danbe isagoo ku seegaya dhaawac sida ay sheegayaan wararka.

Pogba ayaa weli waxaa ka duuban cagta ka dib dhaawac ka soo gaaray horaantii xilli ciyaareedkan.

Jimcihii oo shalay aheyd xiddiga reer France ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraal ahaa: “Waxaan ku dhawahay inaan soo laabto” waxaana uu soo raaciyay sawir uu jirdhis ku sameyo magaalada Dubai oo uu ku soo kabsanayo.

Laakiin sida ay sheegtay jariirada Daily Mail, Paul Pogba ayaan soo laaban doonin ka hor kulanka Liverpool ay booqaneyso Old Trafford isbuuca soo socda.

Waxaa la filayaa inuu ku soo laabto xarunta tababarka kooxda ee Carrington maalmaha soo socda halkaasoo ay dhakhaatiirta ku qiimeyn doonaan xaalada dhaawaciisa iyo waqtiga uu u baahan yahay inuu ku soo kabsado.

Waxaa sidoo kale jirta walaac laga qabo in Paul Pogba uu seego kulamada ku xiga kulanka Liverpool.

Advertisements

Manchester United waxay la ciyaari doontaa kooxda Partizan Belgrade koobka Europa League halka ay Chelsea la dheeli doonaan Carabao Cup dhamaadka bishaan.

Manchester United waxa ay sidoo kale la ciyaareysaa kooxda ka carareysa inay heer labaad u noqoto ee Norwich City ka hor inta aysan bishaan dhamaanin.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*