Sky Sports Oo Kashiftay In Liverpool Ay Laba Jeer Iska Diiday Xiddig Ay Xiiso Usoo Bandhigtay Man United.

Advertisements

Sida lagu daabacay website-ka lamaanka la ah hillinka Sky Sports, Liverpool ayaa laba jeer iska diiday fursad ay kula soo saxiixan karto Jack Grealish.

Warbixinta la baahiyay waxaa lagu sheegay sidoo kale in kooxda hogaamineysa horyaalka aysan sinaba u dooneyn iney soo iibsato xiddig khadka dhexe weerarka ka ciyaara bishaan ama xagaaga.

Hillinka oo xiganaya Daily Express ayaan sidoo kale faah-faahin ka bixin habka Reds fursadad loogu siiyay saxiixa xiddigaan.

Jack Grealish wuxuu fasalkaan kooxdiisa dhibaatooneysa kusoo bandhigayaa qaan ciyaareed aan caadi aheyn, wuxuuna filanayaa in bisha soo aadan looga yeero qaranka England.

Advertisements

Dhawaan ayey aheyd markii Gabriel Agbonlahor uu ka dhawaajiyay xiddigaan inuusan wax xiiso ah u qabin inuu koox weyn ku biiro xilli warbaahinta ay hadal hayeen xiiso kaga imaanayay Man United.

Agbonlahor wuxuu aaminsan yahay in kabtanka Aston Villa uu xiiseynayo inuu hogaanka kooxda sii hayo halkii uu koox weyn ku biiri lahaa wakhtigaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.