SIRTA GUULAHA RONALDO: Lix Jeer Oo Uu Wax Cuno, Hurdada Maalintii Iyo Saacadaha Uu Habeenkii Seexdo

Advertisements

Cristiano Ronaldo oo ay da’diisu tahay 34 jir, waxa uu jidh ahaan u egyahay sidii 25 jir, qaab ciyaareedkiisa, orodkiisa iyo damaca ku jiraana waxa uu u muuqdaa sidii laacib da’yar oo hadda dadka isbaraya.

Ma muuqato da’ xaddidaysa xifaddiisa ciyaareed iyo waqti la saadaalin karayo oo uu ka fadhiisan doono kubadda cagta isaga oo talax-gabay, waxaana tan ka caawinaysa qaab nololeedkiisa oo ah mid qorshaysan oo aanu ka leexannin.

Wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa soo bandhigtay sirta guulaha Ronaldo iyo hab-nololeedkiisa uu ku ilaaliyo jidhkiisa iyo caafimaadkiisaba.

Wargeysku waxa uu sheegay in Ronaldo uu lix jeer maalintii wax cuno, taas oo u qaybsan laba jeer oo uu qadeeyo, laba jeer oo uu casheeyo, hal mar oo qureec ah iyo hal mar oo dhextaal ah.

Cristiano Ronaldo waxa uu cunaa noocyada kalluunka ah oo kuwa ugu badan, laakiin waxa u raaca khudaarta kala duwan iyo sharaabyada oo uu ugu badan yahay Avocado.

Advertisements

Marka laga yimaaddo cuntooyinka Kalluunka ah, waxa uu Ronaldo isticmaalaa noocyada kale ee cuntada ee dufanku ku yar yahay iyo caanaha la fadhiisiyey (Yoghurt), waxaana u raaca Beedka oo uu waqtiyada qaarkood dhex raacdado.

Dhinaca hurdada, waxa uu wargeysku sheegay in Ronaldo uu habeenkii seexdo siddeed saacadood, maalintiina uu saacado dhawr ah seexdo iyadoo mararka qaarkood ay gaadho illaa shan saacadood waqtiyada aanu tababarka lahayn.

One response to “SIRTA GUULAHA RONALDO: Lix Jeer Oo Uu Wax Cuno, Hurdada Maalintii Iyo Saacadaha Uu Habeenkii Seexdo”

Leave a Reply

Your email address will not be published.