Sidee Loo Kala Sarreeyaa Tartanka Loogu Jiro Kabta Dahabka Gooldhalinta Yurub – Messi Oo 10-ka Sare Ka Maqan & CR7 Oo Ku jira.

Advertisements

Weeraryahanada ka ciyaara qaaradda yurub waxey ku tartamaan abaalmarinta loogu yeero (Golden Shoe) oo la siiyo xiddiga aruursada dhibcaha ugu badan ee lagu helo goolasha laga dhaliyay horyaalada yurub.

Habka tirinta dhibcaha waa lagu kala sarreeyaa, horyaalada ugu waaweyn yurub waxaa lagu helaa goolkiiba (2-dhibcood), halka horyaalada qaar lagu helo (1.5 Dhibic) ama sidoo kale (1 dhibic).


Weeraryahanka Lazio (Ciro Immobile) ayaa la wareegay hogaanka tartanka loogu jiro abalmarinta kabta dahabka gooldhalinta kadib gool uu todobaadkaan ka dhaliyay Napoli, xiddigaan 20-gool ayuu shabaqa soo taabsiiyay.

Lixdii sano ee ugu dammbeysay laba jeer ayuu hantay abaalmarinta gooldhalinta Serie A-da, isaga ayaa hadana ugu cad-cad.

Robert Lewandowski ayaa kaalinta labaad ku jira liiskaan, waana hogaamiyaha gooldhalinta Bundesliga, waxaa xiga Timo Werner oo isna wacdaro ka dhigaya isla Bundesliga kaas oo fasalkaan koox walba u muujiyay sida uu u yahay gooldhaliye wanaagsan.

Jamie Vardy waa hogaamiyaha gooldhalinta Premier League, 17-gool ayuu shabaqa taabsiiyay xilli ciyaareedkaan, xiddigaan Foxes kula guuleystay Premier League 2015-2016 ayaa doonaya inuu hanto kabta dahabka gooldhalinta horyaalkiisa.

Ronaldo sanadkaan 2020 wuxuu sameeyay sare u kac, 4-gool ayuu dhaliyay labadii kulan ee ugu dambeysay taasoo keentay inuu Romelu Lukaku kula midoobo kaalinta labaad kala sareynta gooldhalinta Serie A-da.

Liiska tobanka xiddig ee ugu sarreeya liiskaan waxaa buuxiyay shan xiddig oo min 14-gool ka dhaliyay horyaaladooda saddex ka mid ahna Premier League ayey ka ciyaaraan halka ay ku jiraan laba xiddig oo Serie A-da iyo League 1 ka ciyaara.

Lionel Messi ayaa kaalinta 11-aad fadhiya wuxuuna fasalkaan dhaliyay 13-gool isagoo la mataan ah dhanka goolasha Tammy Abraham iyo Sergio Aguero.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada, goolasha iyo dhibcaha

1. Ciro Immobile | Lazio | 20 gool | (40-dhibcood)

2. Robert Lewandowski | Bayern Munich | 19 gool | (38-dhibcood)

3. Timo Werner | RB Leipzig | 18 gool | (36-dhibcood)

4. Jamie Vardy | Leicester City | 17 gool | (34-dhibcood)

5. Cristiano Ronaldo | Juventus | 14 gool | (28-dhibcood)

6. Pierre-Emerick Aubameyang | Arsenal| 14 gool | (28-dhibcood)

7. Marcus Rashford | Man United | 14 gool | (28-dhibcood)

8. Romelu Lukaku | Inter Milan | 14 gool | (28-dhibcood)

8. Wissam Ben Yedder | Monaco | 14 gool | (28-dhibcood)

Advertisements

10. Danny Ings | Southampton | 14 gool | (28-dhibcood)

11. Lionel Messi | Barcelona | 13 gool | (26-dhibcood)

One response to “Sidee Loo Kala Sarreeyaa Tartanka Loogu Jiro Kabta Dahabka Gooldhalinta Yurub – Messi Oo 10-ka Sare Ka Maqan & CR7 Oo Ku jira.”

  1. Asc dhaman aqayarta bahda laacib ku xeran wa idin salaame
    Salaam kadib Mar danbo page ma aqrisandono sappto ah madama an ahy tageero Chelsea Tommy Abraham wuxu leyahye 13 goals asi iyo Messi is ku goal waye madama o inta lgu so xusi wye page mardanbo ma aqrisandono

Leave a Reply

Your email address will not be published.