Sidee Loo Kala Hogaaminayaa Gooldhalinta Shanta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Qaaradda Yurub Kadib Kulamadii Isbuucaan?

Advertisements

Horyaalada qaaradda yurub waxey marayaan meel xiiso badan, inkastoo wali lagu jiro wajiga ugu horreeya, hadana loolanka wuu adag yahay, waxaana isbuuc walba dhacaya natiijooyin layaab leh kuwaas oo xiiso iyo xamaasad usii yeelaya tartamada kala duwan.

Horyaalka Premier League oo lagu sheego kan ugu xiisaha badan, waxaa gooldhalintiisa isku haya fooqa ugu sarreeya dhawr ciyaartoy, Aguero, Vardy iyo Abraham ayaa ugu sarreeya kuwaas oo laba ka mid ah ay shabaqa gaareen kulamadii ay kooxahooda ciyaareen shalay.

Saddexdaan xiddig min 9-gool ayey dhaliyeen kulamadii ay ciyaareen, sidoo kale kabtankii Arsenal ee kulankii Wolves (Aubameyang) ayaa 8-gool maraya maadaama uu shalay gool dhaliyay.

Dhinaca kale horyaalka talyaaniga safka hore laguma arkin Ronaldo kaas oo kaliya 5-gool dhaliyay kulamadii kooxda ee horyaalka, waxaana hogaaminaya Immobile oo 12-gool dhaliyay, sidoo kalana Romelu Lukaku oo shalay Inter ka fujiyay isla markaana 2-gool dhaliyay ayaa leh 9-gool.

Dhinaca Bundesliga waxaa rikoor ku hogaaminaya Lewandowski inkastoo shalay kooxdiisa xasuuq loo geystay markii lagu dilay 5-1.

Dhinaca kale Lionel Messi ayaa si la mid ah Ronaldo dhaliyay kaliya 5-gool kulamada horyaalka, xiddigaan wuxuu goolkiisii ugu dambeeyay ka dhaliyay Levente kulankii ay guuldarada qaateen xalay.

HORYAALKA PREMIER LEAGUE:

1. Sergio Agüero (Man City) 9-gool

2. Tammy Abraham (Chelsea) 9-gool

3. Jamie Vardy (Leicester City) 9-gool

4. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) 8-gool

5. Raheem Sterling (Man City) 7-gool

HORYAALKA ITALIAN SERIE A:

1. Ciro Immobile (Lazio) 12-gool

2. Romelu Lukaku (Inter Milan) 9-gool

3. Luis Muriel (Atalanta) 8-gool

4. Duván Zapata (Atalanta) 6-gool

5. Domenico Berardi (Sassuolo) 6-gool

HORYAALKA LA LIGA:

1. Gerard Moreno (Villarreal) 8-gool

2. Karim Benzema (Real Madrid) 7-gool

3. Loren Morón (Real Betis) 7-gool

4. Daniel Parejo (Valencia) 6-gool

5. Luis Suárez (Barcelona) 6-gool

HORYAALKA BUNDESLIGA:

1. Robert Lewandowski (Bayern Munich) 14-gool

2. Timo Werner (RB Leipzig) 9-gool

3. Gonçalo Paciência (Frankfurt) 6-gool

4. Marcus Thuram (B. M’Gladbach) 5-gool

5. Kevin Volland (Leverkusen) 5-gool

HORYAALKA FARANSIISKA:

1. Wissam Ben Yedder (Monaco) 9-gool

2. Habib Diallo (Metz) 8-gool

3. Victor Osimhen (Lille) 7-gool

Advertisements

4. Moussa Dembele (Lyon) 7-gool

5. Islam Slimani (Monaco) 5-gool

2 responses to “Sidee Loo Kala Hogaaminayaa Gooldhalinta Shanta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Qaaradda Yurub Kadib Kulamadii Isbuucaan?”

  1. Kala horeyta horyalka English premier league Abraham ayaa 1 ku jiro sobabta oo ah rigoore uguma jirto isaga marka Isla saxa