“Sidee Ayuu Van Dijk Ugu Guuleysan Karaa Ballon d’Or Isagoo Aan Xitaa Ku Riyoon Karin Inuu Gaaro Sergio Ramos?”

Advertisements

Tan iyo markii uu Liverpool ku biiray Virgil van Dijk ayaa dib u qeexid ku sameeyay waxa uu daafac qabsan karo.

Daafaca reer Holland ayaa abaalmarino dhowr ah ku qaaday doorkii uu ku lahaa xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa Liverpool ee Premier League iyagoo helay 97 dhibcood.

Abaalmarinta xiddiga sannadka Ingariiska waxaa u sii raacday abaalmarinta xiddiga sannadka UEFA iyo abaalmarinta daafaca xilli ciyaareedka 2018-19.

Abaalmarinta Ballon d’Or 2019 weli laguma dhawaaqin laakiin dad badan ayaa u arka in daafaca dhexe uu u qalmo inuu ku guuleysto.

Halyeeygii Serie A iyo Italy Fabio Cannavaro ayaa ahaa daaficii ugu danbeeyay ee abaalmarinta Ballon d’Or ku guuleystay sannadii 2006.

Haddii uu abaalmarinta ku guuleysto Van Dijk waxa ay dhalin doontaa dood hor leh.

Si kastaba, Spain ayaa durbaba laga bilaabay olole ka dhan ah daafaca Liverpool. Wargeyska AS ayaa maqaal dhan oo uu qoray joornaaliistahooda Joaquim Maroto u hibeeyay xaqiiqda ah in Sergio Ramos uusan waligiis ku guuleysanin Ballon d’Or.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Jamie Carragher Oo Hadal Muran Dhaliyay Sheegay: "Luis Suarez Ayaa Sabab U Ahaa Inaan Horyaalka Ku Guuleysan Weyno Ee Ma Aheyn Kufitaankii Gerrard"

Waxay ku bilaabeen su’aal ah: “Van Dijk haa, Sergio Ramos maya?’

Waxaa sii raacday qoraal lagu cadeynayo inaysan Van Dijk iyo Ramos isku dhaweyn marka laga hadlayo guulaha ay gaareen waayahooda ciyaareed.

“Amakaak ayay igu tahay in kala bar dunida ay sheegeyso in Kubada Dahabka uu u qalmo Van Dijk.

“Abaalmarintaan waligiis kuma uusan guuleysanin Sergio Ramos kaasoo lambaradiisa uusan xitaa ku riyoon karin daafaca Liverpool.”

Maroto waxa uu xusay guulaha uu Sergio Ramos la gaaray xulka qaranka Spain sida Koobkii Adduunka ee 2010 iyo Xaqiiqda ah in daafaca dhexe ee Real Madrid uu ku guuleystay afar Champions League.

Maroto yaa qoraalkiisa raaciyay:

Advertisements

“Kubada Dahabka waxa ay taariikhiyan cadaalad darro ku aheyd ciyaartoyda Isbaanishka.

“Iniesta kuma guuleysanin sannadkii aan Koobka Adduunka ku qaadnay South Afrikca, isaga ayaana u sareeyay waqtigaas. Inuusan Xavi ku guuleysanin ma ahan wax la aqbali karo. Laakiin sidoo kale waxa ay taarikhiyan abaalmarintaan cadaalad darro ku aheyd daafacyada.”

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  TOP 10: Tobanka Garoon Ee Ugu Fiican Kooxaha Isboortiga Caalamka Oo La Shaaciyay & Koox Ingariis Ah Oo Kaalinta 1aad Gashay

Comments are closed.