Sidee Ayuu Jose Mourinho U Safi Doonaa Kooxdiisa Kaddib Heshiisyada Gareth Bale & Reguilon?

Advertisements

Tottenham ayaa qarka u saaran inay ku dhowaaqday laba saxeex oo ay Real Madrid kagala soo wareegayso Gareth Bale iyo Sergio Reguilon.

Kooxda reer London ayaa la sheegay in Reguilon uu khamiista u mari doono tijaabada caafimaadka, ayna soo dhamaadeen wada-hadalladii labada kooxood u dhaxeeyey, iyadoo Spurs bixinaysa £25 milyan oo Gini, laakiin laba sannadood kaddib ay Real Madrid xaq u leedahay inay dib ugu iibsato lacag ku dhow inta ay hadda Tottenham ku qaadatay.

Gareth Bale oo ay isagana kula loollamaysay Manchester United si la mid ah Reguilon, ayaa waxay Tottenham u dhow dahay inay la wareegto, iyadoo ay wararku tibaaxayaan inay soo dhamaadeen waxyaabo badan oo fududaynaya in Bale uu dib ugu laabto kooxdiisa hore.

Advertisements

Labadan ciyaartoy oo yimaadda Tottenham Spurs Stadium, waxay tababare Jose Mourinho siinayaan koox tayo leh oo guulaha ay u baahan tahayna ku xidhan yihiin xulashadiisa.

Soo laabashada Bale, waxay meesha ka saari doontaa Lucas Moura oo uu Mourinho kalsooni weyn ku qabo, waxaanu laacibka reer Wales ka garab ciyaari doonaa Harry Kane iyo Heung-min Son oo ay saddex weerar ku wada dheeli doonaan, iyadoo ay waliba siin doonaan tababaraha inay garoonka dhexdiisa marba dhinac isku weydaartaan.

Pierre-Emile Hojbjerg, Giovani Lo Celso iyo Tanguy Ndombele ayaa iyaguna khadka dhexe saddexlay halis ah ka abuuri kara haddii uu Special One kalsooni siiyo oo uu ka dhigo xiddigo kulan walba kusoo bilowda.

Reguiolon ayaa isaguna buuxin doona booska difaaca bidix oo hore uu u joogi jiray Rose oo ay isku dhaceen Mourinho.

Shaxda macquulka ah ee Tottenham ku ciyaari karto haddii ay samayso labadan saxeex:

Advertisements

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*