“Sidee Ayuu Idinla Yahay Muuqaalkayga Cusub?” – Cristiano Ronaldo Oo Muuqaalkiisa Cusub Soo Bandhigay & Su’aasha Uu Weydiiyey Taageereyaasha

Xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa soo bandhigay muuqaal cusub oo timihiisa ah, kuwaas oo qaabkooda uu kaga yaabsaday taageereyaashiisa.

Laacibka reer Portugal oo dhowaan noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee kubadda cagta ah ee ay hantidiisu gaadho 1 bilyan oo dollar, ayaa lagu yaqaanaa inuu soo bandhigo baabuur casri ah oo qaali ah, dhar uu xayaysiinayo, saacado qaali ah oo uu ku lebbisto iyo nolol tamashle ah oo inta aanu garoonka ku jirin uu waqti siiyo.

35 jirkan ayaa intii lagu jiray go’doonka fayraska Korona uu sababay, waxa uu la baxay timaha oo waqti ay xaaskiisu ugu tidicday/dabtay sida dumarka, halka mar kalena ay Giorgino gacanteeda kaga xiirtay.

Laacibkan oo horyaalka waddanka Talyaaniga oo gabogabo kusii dhow kula raaxaysanaya naadigiisa hoggaanka oo ay doonayaan inay mar kale difaacdaan, waxa uu si gaar ah ugu loollamayaa abaal-marino shaqsi ah, gaar ahaan Ballon d’Or oo markii lixaad uu u tartami doono.

Laakiin waxaas oo dhan ka sokow, waxay taageereyaashu hada hadal hayaan muuqaalka cusub ee ay ku arkeen iyo ka jawaabista su’aasha uu weydiiyey.

Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu timaha usii deystay qaab la mid ah Juan Cuadrado oo ay Juventus u wada ciyaaraan, isla markaana ay kasoo wada muuqdeen.

Cuadrado ayaa bartiisa bulshada soo dhigay sawirka oo kusoo dul qoray: “Berri ayaanu diyaar u nahay. Miyey aragtida isbeddeshay?”

Cristiano Ronaldo ayaa isaguna soo bandhigay muuqaalkan oo bartiisa bulshada ku baahiyey, isaga oo kusoo qoray: “Maxaad u malaynaysaa muuqaalkaygu inuu u egyahay walaalkay Panita?!”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*