SIDDEED Ciyaartoy Oo Isku Koox Ah Oo Laga Helay Caabuqa Korona & Natiijada Baadhitaankooda Oo Lasoo Bandhigay

Baadhitaannada lagu hubinayo caafimaadka ciyaartoyda ayaa ka socda waddamo kala duwan oo dunida ah, waxaana kuwii ugu horreeyey ay ka bilaabmeen Yurub oo horyaallada qaarna bilaabmeen kuwo kalena la filayo inay bisha June horraanteeda lagu soo laaban doono.

Horyaalka Premier League ayaa la shaaciyey in lix qof oo iskugu jira ciyaartooyo iyo shaqaalaha tababarka laga helay fayraska, taas oo xaddi yar oo lagu socon karayo ah maadaama aanay dhibaato weyn ka jirin gudaha kooxaha, waxaanay siinaysaa maamulka inay ku taagnaadaan go’aankooda ah in horyaalka la dhamaystirayo, iyagoo ku dayanaya Jarmalka oo toddobaadkan la ciyaaray.

Kooxda ka dhisan waddanka Mexico ee Santos Laguna ayaa natiijo madax-xanuun ah kasoo saartay baadhitaan ay ku samaysay ciyaartoygeeda, waxaanay shaacisay in saddex meeloodow hal meel laacibiinteeda laga helay fayraska.

Kooxdan oo ka ciyaarta horyaalka heerka koowaad ee Liax MX, waxay sheegtay in siddeed ka mid ah ciyaartoygeeda la ogaadya inay u xanuunsanayaan caabuqa, baadhitaanno lagu sameeyeyna lagu xaqiijiyey, iyadoo ay ka muuqato dhamaan calaamadihii lagu garanayay.

War-saxaafadeed ay kooxdu soo saartay ayay ku sheegtay in ciyaartoygeedan oo aanay magacaabay ay hadda karantiil ugu jiraan caabuqa.

Horyaalka waddanka Mexico oo la joojiyey March 15 markii uu fayrasku dalkaas ku faafay ayaan la sheegin xilliga dib loo bilaabi doono, waxaana jira walaac ah in inta badan kooxuhu ay doonayaan in la kansalo gebi ahaanba horyaalka.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*