Sida Cajiibka Ah Ee Ay Isku Bedeshay Nolosha Ronaldinho Ka Dib Markii Uu Xabsiga Ka Soo Baxay

Ronaldinho wuxuu ka mid yahay xiddigaha kubada cagta ee abid ugu fiicnaa. Wuxuu tayadiisa cajiibka ah ku soo bandhigay qaab ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub.

Advertisements

Wax walba wuxuu ka bilaabay kooxda reer Brazil ee Gremio ka dibna wuxuu ku biiray Paris Saint-Germain, FC Barcelona, AC Milan, Flamengo, Atletico Mineiro, Queretaro iyo Fluminense.

Bishii Janaayo 2018 ka dib seddex sannadood uusan kubad ciyaarin wuxuu go’aansaday inuu ku dhawaaqo inuu ciyaaraha ka fariisto.

Tan iyo markaas, Dinho waxa uu sameynayay ganacsiyo badan oo uu maalgashaday lacagtii uu kubada cagta ka sameeyay. Qaar ka mid ah maalgashigaas waxay u horseeday dhibaato iyo in lagu qabto dukumiintiyo been abuur ah.

Advertisements

Halyeeyga iyo walaalkiis ayaa in muddo ah xabsi ku jiray ka dib markii ay dalka Paraguay ku galeen dukumiintiyo been abuur ah, waxayna bixiyeen 200 kun doolar oo ganaax ah si loo sii daayo.

Laakiin tan iyo markaas Ronaldinho ayaa isbedel ku sameeyay noloshiisa iyadoo sannadka 2020 ku dhameystay dhoolacadeyn weyn ka dib markii ay wax walba u hagaageen.

Sida ay sheegtay jariirada Isbaanishka ee El Pais, xiddigii hore ee Brazil ayaa sameeyay lacag ku dhow hal milyan doolar tan iyo markii uu xabsiga ka soo baxay.

Xiddigii hore ayaa sameeyay ganacsiyo cusub, wuxuu kooxdiisa hore ee Atletico Mineiro ka caawiyay furitaanka garoon cusub, wuxuu furtay istuudiyo lagu duubo heesaha, wuxuuna hirgeliyay shirkad soo saarta khamriga.

Ka dib isbedelkaas uu noloshiisa ku sameeyay waxaa xitaa la gudoonsiiyay abaalmarinta ugu sareysa ee gobolka Belo Horizonte ee dalkiisa Brazil madaama uu nolol cusub bilaabay isagoo 40 sanno jir ah.

Advertisements

10 Fekradood

  1. Bal waxad war ka dhigaysan eeg shirkad khamri ayuu furay ma waxa dad lo shega war isku xishoda

  2. Waxaan islahaa wuxuu ku hormaray ad bal wax un ka faa’idide soo eeg, markaasaad nin khamri furtay iyo meel heesaha lagu duubo buu furtay baad iikeenteen, igamiinaad xishoon, hormar danbe baanan idinka sugin hada ka dib

  3. Dhulka Ayuu Kudhacay Isagoo 2 Jeer Oo Isxiga Ku Guulaystay Abaalmarinta belondor Kadib Markuu Faragaliyay Arimaha Alle Jawaab Dagdaga Ayuu Kahelay Xaga Rabi

  4. Horumarkaa uu sameeyay waa dhiiri gelin lkn malaga yaabaa qof qaabdhismeedkiisa iyo xirfadiisii kubadeed lihi inuu soo bixi doono

  5. arinta rolandinho in laga shekeeyo maba banan wayo soo nin kii yiri mahan hadii aan ogahay in qof muslima ah itaageero kubada cagta wanba iska dayn lahaaa marka rolandinho waa baqti aan haboonay in laga sheekeeeyo

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*