Sida Ay Noqon Karto Shaxda Real Madrid Xilli Ciyaareedka Danbe Iyadoo Zidane Uu Doonaya Inuu Kooxda Ka Dhigo Boqortooyo Faransiis

Advertisements

Zinedine Zidane ayaa doonaya inuu boqortooyo Faransiis ka dhisan real Madrid isagoo ku howlan sidii uu uga dhaadhicin lahaa seddex nin ay isku wadanka yihiin Paul Pogba, N’Golo Kante iy Kylian Mbappe inay yimaadaan Spain.

Madaxaweynaha Los Blancos Florentino Peerz ayaa qirtay in kooxda La Liga ka dhisan inay xiiseyneyso inay la soo wareegto xiddig uusan magacaabin oo Faransiis ah.

“Sida cad waxaan jecel yahay xiddig Faransiis oo la soo hadal qaaday, waxaan dooneynaa inaan dhaqaaqno, laakiin kooxdiisa ma dooneyso inay iibiso” ayuu yiri Perez.

Dabcan xiddigaasi ma ahan Pogba oo madaxweyne Perez waa uu magac dhabar Pogba markii uu ku hadlayay inay ku guuldareysteen saxiixisa xagaagan.

Xiddiga Faransiiska ee uu ka hadlayo ayaa lagu sheegay inuu yahay N’Golo Kante iyagoo isku dayay inay xagaagii la wareegaan xiddiga khadka dhexe balse ku guuldareystay.

Los Blancos waxa ay durbaba heysataa labo xiddig oo ay kala wareegtay Chelsea oo kala ah Eden Hazard iyo Thibaut Courtois.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Man United Oo Shaacisay Liiska Xiddigaha Ay Kala Hortageyso Wets Ham - Miyaa Lagu Soo Daray Daniel James, Paul Pogba Iyo Anthony Martial?

Wargeyska the Athletic, ayaa sheegaya in labada xiddig ee reer Belgium inay saaxiibo u sheegeen in Kante uu yahay xiddiga ka maqan Real Madrid.

Real Madrid ayaana isku diyaarineysaa inay xagaaga danbe u dhaqaaqdo Kante, Mpabbe oo markii horeba qorshaha ugu jiray iyo Paul Pogba.

Advertisements

Haddii seddexdaan xiddig ay soo wareegaan waxa ay shaxda kooxda kula biiri doonaan Raphael Varane, Ferland Mendy oo booska daafaca bidix ka bedelaya Marcelo iyo Karim Benzema.

Waxaa iyagana shaxda kooxda ka mid noqonaya xiddigaha reer Belgium ee Hazard iyo Courtois oo labadaba luqada Faransiiska ku hadla iyo goolhayaha keydka Areola oo ah Faransiis.

Comments are closed.