Shaxda Saxiixyadii Ugu Xumaa Xagaaga Ee Premier League Oo La Soo Saaray – Waa Maxay Sababta Xiddiga Arsenal Nicolas Pepe Loogu Soo Daray?

Advertisements

Kooxaha Premier League ayaa lacag gaareysa 1.5 bilyan ginni ku qarashgareeyay suuqa kala iibsiga xagaagii, laakiin sida haatan soo baxday qaar ka mid ah xiddigihii lagu soo iibiyay lacagtaas weli lagama faa’idin.

Sideed kulan ayaa la ciyaaray xilli ciyaareedka cusub, laakiin wargeyska Ingariiska ee The Sun ayaa soo saaray shaxda saxiixyadii ugu xumaa xagaaga, waxaana ka soo muuqday xiddigo waa weyn.

Goolhayaha ilaa iyo haatan ugu liita saxiixyadii xagaaga waa goolhayaha West Ham Roberto kaasoo buuxinaya booska uu ka dhaawacmay Fabianski, waxaana uu noqday goolhaye inta badan cabsi geliya taageerayaasha.

Seddexda daafac ee ugu xumaa saxiixyadii xagaaga ee ay jariirada The Sun soo xushay waxaa ku jira xiddiga Manchester City Cancelo kaasoo kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ciyaaray kulankii ay guuldarada 2-0 ka soo gaartay Wolves, waxaana uu soo bandhigay qaab ciyaareed liita oo muujiyay sababta uu kursiga keydka ugu fadhiyo Kyle Walker.

Waxaa shaxda kula wehliya daafacyada Wolves iyo Watford Vallejo iyo Craig Dawson kuwaasoo aan qaab ciyaareed fiican ku jirin.

Afarta khadka dhexe waxaa ka soo muuqday saxiixa ugu qaalisan Arsenal Nicolas Pepe kaasoo ay Gunners ka soo bixisay xagaagii 72 milyan ginni.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ku guuldareystay ilaa iyo haatan inuu wax ku soo kordhiyo kooxdiisa marka laga reebo rigoore uu dhaliyay, waxaana ka ciyaar fiicnaaday xiddigaha da’da yar sida Bukayo Saka.

Sidoo kale saxiixyada ugu xumaa xagaaga waxaa ku jira xiddiga Chelsea Christian Pulisic kaasoo afar caawin sameeyay todobo kulan uu dheelay.

Advertisements

Laakiin tababare Frank Lampard ayaan kalsooni ku qabin xiddiga Mareykanka waxaana fursad badan la siinayaa Willian iyo Pedro iyadoo gabi ahaanba kooxda laga saaray kulankii Southampton.

Labadaan xiddig ee Arsenal iyo Chelsea waxa ay ku fadhiyaan lacag badan, midkoodna weli ma uusan soo bandhigin inuu lacagtaas u qalmo.

Shaxda Saxiixyadii Ugu Xumaa Xagaaga Ee Wargeyska The Sun: