Shaxda Riyada Ronaldo Oo Noqon Laheyd Kooxdii Ugu Adkeyd Abid Dunida Laakiin CR7 Ayaa Ka Maqan

Ronaldo Nazario ayaa shaaca ka qaaday shaxdiisa riyada waxaana ka buuxa qaar ka mid ah xiddigihii ugu magaca weynaa dunida marka laga reebo Cristiano Ronaldo.

Advertisements

Xiddiga reer Brazil oo labo jeer ku guuleystay Ballon d”or ayaa u dhaliyay kooxihii uu u soo ciyaaray 352 gool halka uu 62 gool u dhaliyay xulka Brazil uu u saftay 98 kulan.

O Fenômeno’ wuxuu u soo ciyaaray kooxaha Cruzeiro, Barcelona, Inter Milan, Real Madrid, AC Milan, Corinthians iyo sidoo kale xulka qaranka Brazil.

Laakiin kumaa ku soo baxay shaxdiisa riyada? Waxay noqon laheyd kooxdii ugu adkeyd abid dunida.

Halyeeyga Gigi Buffon ayuu goolka u xushay iyadoo ay ka horeeyaan labada daafac garab ee Brazil Cafu iyo Roberto Carlos halka uu daafacyada dhexe u xushay Paolo Maldini iyo Fabio Cannavaro.

Khadkiisa waxa uu u xushay Zinedine Zidane iyo Andrea Pirlo isagoo garbaha u xushay labada halyeey ee Argentina Diego Maradona iyo Lionel Messi.

Afka hore ee weerarka wuxuu xushay boqorka kubada cagta Pele iyo isaga shaqsi ahaantiisa Ronaldo Nazario, wuxuuna boos u waayay Cristiano Ronaldo laakiin 11ka uu xushay ayaa ka dhigi laheyd kooxdii ugu adkeyd abid.

Advertisements

Image

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*