Arsenal ayaa ku sugan garoonka Turf Moor oo ay marti ugu tahay kooxda Burnley oo kulankoodii hore ee bilowgii xili ciyaareedka kusoo garaacday Emirates Stadium.
Mikel Arteta ayaa shax adag kusoo bilaabay ciyaartan, iyadoo uu shan beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Leicester City usbuucii hore ee guusha ay kasoo hooyeen.
Weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kusoo bilowday afka hore, iyadoo uu kaydka u degay Nicolas Pepe, hase yeeshee khadka dhexe ayuu isbeddelka ugu badan ka dhacay, waxaana safka hore kasoo muuqday Thomas Partey, Bukayo Saka iyo Martin Odegaard, halka difaaca dhexena uu yimid Callum Chambers oo ay u tahay ciyaartiisii ugu horreysay ee Premier League ee uu kusoo bilowdo sannadkan 2021.
Xiddiga reer Brazil ee Willian oo amaan badan mutaystay kulankii Leicester ayaa xajistay booskiisa, waxaanu afka hore la wadaagayaa Aubameyang.
Mikel Arteta waxa uu kaydka dhigay Hector Bellerin kulankii labaad oo xidhiidh ah, Gabriel Magalhaes, Dani Ceballos, Pepe, Holding, Alexandre Lacazette, Mohamed Elneney iyo Gabriel Martinelli.
David Luis ayaa difaaca dhexe kula soo bilowday Mari, halka Tierney iyo Chambers ay dhinacyada kala taagan yihiin.
Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood
ARSENAL XI: Leno, Chambers, Tierney, Luiz, Mari, Xhaka, Partey, Saka, Odegaard, Willian, Aubameyang
Kaydka: Ryan, Bellerin, Gabriel, Ceballos, Pepe, Holding, Lacazette, Eleney, Martinelli
BURNLEY XI: Pope, Lowton, Tarkowski, Mee, Taylor, Brownhill, Westwood, Gudmundsson, McNeil, Vyrda, Wood
Kaydka: Peacock-Farrell, Stephens, Rodriguez, Pieters, Bardsley, Long, Dunne, Brady, Benson
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora