Shaxda Rasmiga Ah Ee Southampton vs Chelsea – Ayuu Tababare Tuchel Ku Soo Bilaabay Shaxdiisa Kulanka Maanta?

Advertisements

Kooxaha Southampton iyo Chelsea ayaa goor dhow ku balansan garoonka St Mary’s kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Bilowgii bishii Janaayo ka dib ay 1-0 ku garaaceen Liverpool, Southampton waxay ku jirtay boosaska loogu soo baxo Champions League laakiin haatan oo laga badiyay lix kulan oo isku xigta markii ugu horeysay taariikhdooda, waxay u jiheysteen dhanka kale.

Sidaasi darteed kooxda ugu danbeysa ee ay Southampton jeclaan laheyd inay la ciyaarto maanta waa Chelsea kuwaasoo raadinaya inay noqdaan kooxdii labaad ee Premier League ee xilli ciyaareedkan badisa shan kulan oo isku xigta ka dib Manchester City.

SHAXDA RASMIGA AH:

Tammy Abraham ayaa taam u noqday in lagu soo bilaabo kulanka maanta isagoo weerarka ku wehlinaya Timo Werner iyo Mason Mount halka Kai Havertz oo taam soo noqday laga soo tagay.

N’Golo Kante ayaa khadka dhexe dib uga soo muuqday iyadoo Kovacic uu ka garab ciyaarayo, garbaha waxaa ka dheelaya Alonso iyo James iyadoo seddex daafac dhexe lagu soo bilaabay Rudiger, Zouma iyo Azpilicueta. Mendy ayaana goolka ku soo noqday iyadoo Arrizabalaga uu keyd ku laabtay.

Southampton McCarthy, Bertrand, Vestergaard, Bednarek, Salisu, Djenepo, Romeu, Ward-Prowse, Redmond, Ings, Minamino

Keyd: Forster, Stephens, Adams, Tella, Ramsay, N’Lundulu, Ferry, Jankewitz, Chauke

Chelsea: Mendy, Alonso, Rudiger, Zouma, Azpilicueta, James, Kante, Kovacic, Mount, Abraham, Werner

Bedel: Arrizabalaga, Christensen, Jorginho, Giroud, Hudson-Odoi, Chilwell, Ziyech, Gilmour, Emerson

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*