Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid vs Real Valladolid: Zidane Oo Isbedelo Muhiim Ah Sameeyay Kulanka Uu Kula Wareegi Karo Hogaanka La Liga

Advertisements

Mid ka mid ah su’aalaha ugu waa weyn ee dulsaarnaa shaxda kooxda Real Madrid ee kulanka Real Valladolid waxay aheyd booska daafaca midig madaama Dani Carvajal uu ganaax ku maqan yahay islamarkaana Alvaro Ordriozola uu ku biiray kooxda Bayern Munich.

Tababare Zinedine Zidane ayaa doortay inuu booskaas xiddig khibrad leh ku daboola, waxaana uu u xushay Nacho.

Dhanka weerarka Isco ayaa kooxda dib ugu soo laabtay isagoo afka hore ka garab ciyaaraya Rodrygo iyo Karim Benzrma.

Khadka dhexe waa sidiisii oo waxaa ku soo wada bilowday Luka Modric, Casemiro iyo Toni Kroos.

Real Madrid haddii ay caawa badiso ama barbaro gasho waxay si toos ah u la wareegi doontaa hogaaka horyaalka La Liga madaama kooxda Barcelona oo haatan farqiga goolasha ku heysa hogaanka ay xalay guuldarro 2-0 ka soo gaartay kooxda Valencia.

SHAXDA RASMIGA AH:

Real Madrid XI: Thibaut Courtois; Nacho, Sergio Ramos, Raphael Varane, Ferland Mendy; Luka Modric, Casemiro, Toni Kroos; Rodrygo, Karim Benzema, Isco.

Advertisements

Keyd: Areola, Marcelo, Militao, Valverde, James, Lucas Vazquez, Jovic

Real valladolid XI: Masip, Antoñito, Olivas, Salisu, Carnero, Joaquín, San Emeterio, Michel, Alcaraz, Ünal y Guardiola.

Comments are closed.