Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United vs Tottenham – Solskjaer Oo Isbedelo Sameeyay & Mourinho Oo Shax Adag Ku Soo Shirtagay

Advertisements

Jose Mourinho ayaa ku soo laabanaya Old Trafford isagoo hogaaminaya Tottenham kuwaasoo cadaadiska ku sii kordhin katro tababarihii isaga ka bedelay Manchester Unuted.

Kooxda Tottenham ayaa baadigoobeysa guusheedii afaraad ee isku xigta ee intii uu Mourinho tababare u noqday, waxaana Mourinho uu doonayaa inuu ka aarguto caawa kooxdii ceyrisay.

Soo laabashada Mourinho waxa ay diirada ka qaadeysaa tababaraha cadaadiska uu saaran yahay ee Ole Gunnar Solskjaer kaasoo la sheegay in la ceyrin doono haddii ay guuldarro ka soo gaarto Tottenham caawa iyo kulanka Sabtida ee Manchester Derby.

Manchester United waxaa ka maqan Anthony Martial oo dhaawac ah kaasoo booskiisa uu buuxinayo da’ yarka Greenwood halka Scott McTominay uu taam u noqday inuu ku soo bilowdo kulanka caawa.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa hore u xaqiijiyay in kulanka caawa ay seegayaan Paul Pogba, Eric Bailly, Timothy Fosu-Mensah iyo Diogo Dalot.

Tottenham wax dhaawacyo cusub ah ma qabto laakiin waxaa weli dhaawacyo uga maqan Erik Lamela, Ben Davies, Michel Vorm iyo Hugo Lloris.

SHAXDA RASMIGA AH:

Man United: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Young, McTominay, Fred, James, Lingard, Greenwood, Rashford.

Keyd: Romero, Tuanzebe, Shaw, Williams, Garner, Pereira, Mata.

Advertisements

Tottenham: Gazzaniga, Aurier, Sanchez, Alderweireld, Vertonghen, Sissoko, Winks, Moura, Alli, Son, Kane.

Keyd: Austin, Rose, Dier, Foyth, Ndombele, Eriksen, Lo Celso.

Comments are closed.