Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool vs Everton – Jurgen Klopp Oo Keyd Geliyay Xiddigo Waa Weyn, Lallana Iyo Shaqiri Oo Lagu Soo Bilaabay

Advertisements

Liverpool ayaa raadineysa inay ku soo laabato hogaanka 11ka dhibcood ee horyaalka Premier League marka ay caawa garoonka Anfield ku martigeliyaan kooxda ay deriska yihiin ee Everton.

Reds ayaa caawa waxaa u bilaabaneysa sagaal kulan oo ay ciyaarayaan 26 maalmood gudaheed bishaan December, waxayna ku bilaabanayaan kulan adag oo Merseyside Derby ah.

Kooxda Everton waxa ay u tahay waqtigii ugu xumaa ee ay wajihi lahaayeen kooxda ay deriska yihiin iyagoo ku jira kaalinta 17aad islamarkaan labo dhibcood u jira booska lagu hore ee kaalinta 18aad.

Haddii caawa Everton laga badiyo waxay keeni kartaa in la ceyriyo tababare Marco Silva kaasoo qarka u saarnaa in shaqada laga qaado isbuucyadii ugu danbeysay iyadoo Moyes uu ku dhow inuu ku soo laabto kooxda.

Tababare Klopp ayaa keyd geliyay qaar ka mid ah xiddigahiisa waa weyn iyadoo Firmino, Mohamed Salah iyo Henderson ay kursiga keydka ku bilowdeen.

Waxaa bedelkooda shaxda ku soo bilowday Origi iyo Shaqiri oo Mane ka garab ciyaaraya halka Lallana uu booska khadka dhexe ka bedelay kabtan Henderson.

SHAXDA RASMIGA AH:

Liverpool: Adrian, Alexander-Arnold, Van Dijk, Lovren, Robertson, Wijnaldum, Milner, Lallana, Mane, Origi, Shaqiri

Keyd: Kelleher, Keita, Firmino, Salah, Gomez, Henderson, Oxlade-Chamberlain

Advertisements

Everton: Pickford, Digne, Sidibe, Holgate, Keane, Mina, Davies, Sigurdsson, Iwobi, Richarlison, Calvert-Lewin

Keyd: Lossl, Baines, Walcott, Tosun, Schneiderlin, Bernard, Kean

Comments are closed.