Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka West Ham United vs Manchester United – Yaa Kusoo Bilawday Kulanka Xoogan Ee London Stadium?

Advertisements

Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ee Manchester United ayaa galabta marti ku ah gegida London Stadium iyaga oo booqanaya kooxda West Ham United oo ay haatan min siddeed dhibcood wadaagaan.

Kulankan ayaa ah mid ay Man United doonayso sii wadista guushii ay toddobaadkii hore ka gaadhay Leicester City halka ay West Ham United oo kulamadii ugu dambeeyay guuldarro la’aan ahayd doonayso inay qaabka wanaagsan sii wadato.

Sidii uu hore u xaqiijiyay tababare Ole Gunnar Solskjaer, Red Devils ayaa kulankan waayaya khadka dhexe ee kooxdooda Paul Pogba, Daafaca bidix ee Luke Shaw iyo weeraryahan Anthony Martial.

Advertisements

Tababare Solskjaer ayaa kulankan xoogan usoo xushay isla shaxdii uu guusha 1-0 ka ah kaga gaadhay Leicester City isagoo wali keydka kusii haya Fred oo ay jamaahiirtu ka dalbadeen inuu ciyaarsiiyo.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Image

2 responses to “Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka West Ham United vs Manchester United – Yaa Kusoo Bilawday Kulanka Xoogan Ee London Stadium?”

  1. Mangal banuu bartabsiin says:

    West ham 2:1 man united

  2. Solzsjear Qarasta ayuu nagu kicinayaa Fred mookeeno qadka dhexe Hala Ceyriyo Ole