Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Tottenham vs West Ham – Miyuu Jose Mourinho Kusoo Bilaabay Gareth Bale?

Advertisements

Jose Mourinho ayaa shax adag kusoo bilaabay kooxdiisa kulanka ay West Ham United ku martigelinayaan, kaas oo uu tababaraha reer Portugal u dagaallamayo inuu sii wado guulaha kaddib markii uu ciyaartii ugu dambaysay ku burburiyey Manchester United.

Harry Kane oo dhaawac kasoo gaadhay kulamadii caalamiga ahaa ayaa helay ogolaanshaha caafimaad ee uu ugu soo bilaaban karayo ciyaartan, waxaanay afka hore wadagayaan Heung-min Son oo isfahamkooda iyo wada shaqayntooda ay sii wadi doonaan.

Tababare Jose Mourinho ayaa fursaddii ugu horreysay siinaya saxeexa cusub ee Gareth Bale oo dib ugu soo laabtay Tottenham oo uu ka tegay sannadkii 2013 oo uu Real Madrid uga wareegay, waxaana dhaawac uu muddo ku maqnaa kaddib uu maanta kusoo bilowday kaydka iyadoo la filayo inuu beddel kusoo geli doono.

Advertisements

Bergwijn, Ndombele, Hojbjerg iyo Sissoko ayaa khadka dhexe ku mataanaysan, waxaana sidoo kale baasha difaaca bidix ka ciyaaraya Sergio Reguilon oo isagana ay Real Madrid kasoo iibsatay Tottenham, waxaana dhinacyadiisa taagan Sanchez, Alderweireld iyo Aurier, halka uu goolhaye Lloris lama taabtaan yahay.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Tottenham: Lloris, Aurier, Alderweireld, Sanchez, Reguilon, Ndombele, Sissoko, Hojbjerg, Bergwijn, Kane, Son.

Kaydka: Hart, Doherty, Davies, Winks, Moura, Vinicius, Bale.

West Ham: Fabianski, Ogbonna, Balbuena, Cresswell, Coufal, Rice, Soucek, Masuaku, Bowen, Antonio, Fornals.

Kaydka: Randolph, Fredericks, Diop, Noble, Snodgrass, Lanzini, Yarmolenko.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*