Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Sevilla vs Barcelona – Koeman Oo Dhigtay Ciyaartooyo Muhiim Ah Iyo Lopetegui Oo Shax Adag Keenay

Sevilla ayaag aroonkeeda Estadio Ramon Sanchez-Pizjuan ku martigelinaysa Barcelona, waxaanay labadooduba u dagaallamayaan guulo iyagoo haddii ay kooxda martida loo yahay badiso ay kaalinta saddexaad kala bixi doonto Barcelona.

Advertisements

Labadan kooxood oo dhamaadka toddobaadkan ku ballansan lugta labaad ee wareegga semi-finalka Copa del Rey oo ciyaartii hore ay 2-0 ku badisay Sevilla, ayaa Ronald Koeman uu u muuqdaa inuu kasii fikirayo, sababtoo ah, waxay ka muuqataa shaxda kooxdiisa.

Koeman ayaa ciyaartan kusoo bilaabay afarta difaaca ee ay laba da’yarta yihiin ee Sergino Dest, Oscar Mingueza, Clement iyo Gerard Pique, waxaanu kaydka dhigay Jordi Alba iyo Ronald Araujo oo uu ka gaabsaday inuu khatar geliyo maadaama uu dhaawac kasoo noqday.

Waxa kael oo kaydka ku jira Antoine Griezmann.

Dhinaca Sevilla, waxa uu Julen Lopetegui kusoo bilaabay Luuk de Jong, laakiin waxa uu ka gaabsaday Suso oo kasoo laabtay dhaawac si aanu khatar u gelin. Da’yarkii hore ee Barcelona ee Munir El Haddadi ayaa garabka kusoo bilowday, waxaase iyaguna boosaskooda helay Sergio Esudero, Karim Bekik.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Sevilla  XI: Bonus; Jesus Navas, Jules Kounde, Diego Carlos, Sergio Escudero; Joan Jordan, Fernando Reges, Ivan Rakitic; Munir El Haddadi, Luuk de Jong, Papu Gomez.

Barcelona XI: Marc-Andre ter Stegen; Sergino Dest, Oscar Mingueza, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Frenkie de Jong, Sergio Busquets; Ousmane Dembele, Lionel Messi, Pedri.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*