Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Newcastle vs Chelsea – Isbeddellada Lampard Sameeyey, Saddexlayda Afka Hore & Newcastle Oo Dhaawac Kala Daadiyey

Advertisements

Frank Lampard ayaa hal beddel oo kaliya ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Sheffield United ee uu guusha weyn kaga soo hooyey, waxaana uu keenay Antonio Rudiger oo beddelay Thiago Silva oo dalbaday in kulankan aanu qayb ka noqonin.

Ben Chilwell ayaa kusoo bilowday difaaca bidix kaddib markii uu kasoo kabtay dhaawac kasoo gaadhay ciyaaraha caalamiga ah, balse waxa aan joogin Christian Pulisic oo isaguna dhaawac ah.

Hakim Ziyech oo bandhig cajiib ah samaynayay kulamadii ugu dambeeyey ayaa dhinaca midig ka ciyaaraya, halka uu bidixdana joogo Timo Werner, iyadoo weerarka dhexena uu taagan yahay Tammy Abraham.

Advertisements

Khadka dhexe ayay kusoo wada bilowdeen Mason Mount, Kovacic iyo Kante, halka difaacana ay wada taagan yihiin James, Rudiger, Zouma iyo Chilwell.

Goolhayaha reer Senegal ee Mendy ayaa booskiisa xajistay, waxaanu kaydka u diray Kepa Arrizabalaga oo ugu dambayntii noqday beddel suge.

Kubbad-sameeyaha Talyaaniga ah ee Jorginho ayaa kaydka la wadaagaya Olvier Giroud, Hudson-Odoi, Emersen, Christensen iyo kabtanka kooxda ee Azpilicueta.

Dhinaca kooxda martida loo yahay ee Newcastle United oo uu dhaawac kala daadiyey, waxa afkeeda hore hoggaaminaya Joelinton iyo Saint-Maximin oo orodkooda ay tahay in difaaca Blues ay u babbac-dhigaan. Laakiin Andy Carroll iyo Shelvey ayaa kaydka kasoo muuqda, waxaanay rajaynayaan in qaybaha dambe ay beddel kusoo geli doonaan.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

CHELSEA XI: Mendy, James, Rudiger, Zouma, Chilwell, Kante, Kovacic, Mount, Ziyech, Abraham, Werner.

Kaydka: Kepa, Christensen, Azpilicueta, Emerson, Jorginho, Hudson-Odoi, Giroud.

Newcastle XI: Darlow, Clark, Lascelles, Fernandez, Manquillo, Hayden, S Longstaff, Lewis, Murphy, Saint-Maximin, Joelinton.

Kaydka: Gillespie, Schar, Krafth, Hendrick, Shelvey, Almiron, Carroll.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*