Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Manchester United vs West Brom – Pogba Oo Hadalkiisii Lagu Ciqaabay Iyo Xiddigaha Uu Solskjaer Lasoo Shir Tegay

Advertisements

Manchester United oo guusheedii ugu horreysay ee horyaalka Premier League ee garoonkeeda Old Trafford raadinaysa ayaa waxay soo dhoweynaysaa West Brom oo aan wali wax guul ah ka helin dhamaan kulamadii siddeedda ahaa ee ay ciyaartay.

Ole Gunnar Solskjaer oo kulankii ugu dambeeyey ee ay kasoo badiyeen Everton iskaga dejiyey culayskii saarnaa ayaa waxa uu kusoo bilaabay shax adag oo uu rumaysan yahay inay guusha u keeni doonto caawa.

Anthony Martial iyo Marcus Rashford ayaa kasoo kabtay jugihii iyo dhaawacyadii ay qabeen, waxaanay safka hore ee weerarka u hoggaaminayaan si wada jir ah.

Advertisements

Bruno Fernandes ayuu khadka dhexe kula soo bilowday Juan Mata, waxaana xagga dambe ka taageeraya Fred iyo Matic.

Difaaca ayuu tababare Solskjaer kusoo bilaabay Alex Telles oo buuxiyey booskii uu ka dhaawacmay Luke Shaw, waxaana uu ka garab ciyaarayaa Harry Maguire, Lindelof iyo Wan-Bissaka, halka uu David De Gea goolkiisa xajisanayo.

Paul Pogba oo warbaahinta ka cawday toddobaadkii hore ayaa gebi ahaanba laga reebay ciyaartoyda kooxda, waxaase kaydka kusoo bilowday Cavani iyo James oo sugaya inay fursad ka helaan labada weerarka jooga. Khadka dhexena waxa u jooga Van de Beek iyo McTominay. Sidoo kale, Tuanzebe, Williams iyo Henderson ayaa kursiga fadhida.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Telles, Matic, Fred,  Mata, Fernandes, Martial, Rashford.

Kaydka: Henderson, Tuanzebe, Williams, Van de Beek, McTominay, James, Cavani.

West Brom: Johnstone, Furlong, Ajayi, Bartley, Ivanovic, Townsend, Diangana, Gallagher, Sawyers, Pereira, Grant.

Kaydka: Button, O’Shea, Harper, Krovinovic, Phillips, Robinson, Robson-Kanu

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*