Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Brighton vs Manchester United – Solskjaer Oo SIDDEED Beddel Sameeyey

Manchester United waxay ku sugan tahay Amex Stadium oo ay marti ugu tahay Brighton, waxaanay raadinaysaa guul ay ugu soo dhowaato Chelsea oo kaalinta afraad ku jirta iyo Leicester City oo hal dhibic kasii sarraysa oo saddexaad fadhiyda.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo aan kooxdiisa laga adkaanin 14kii kulan ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, waxa uu lasoo shir tegay shax adag oo ku hoggaamin karta inuu sii dheeraysto rikoodhkiisa guul-darro la’aanta, kana caawiya inay saddexda dhibcood xoog kaga qaataan Brighton.

Macallinka reer Norway ayaa siddeed beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Norwich kulankii FA Cup ee siddeed dhamaadka ee guusha rafaadka ah ee ay gaadheen ay ugu gudbeen semi-finalka, waxaana uu kusoo bilaabay isla shaxdii uu 3-0ka ugaga adkaaday Sheffield United lix maalmood ka hor garoonka Old Trafford.

Paul Pogba iyo Fernandes ayaa mar kale kusoo wada bilowday safka koowaad ee kooxda, iyagoo wadaagi doona khadka dhexe, waxaana afka hore jooga Rashford iyo Martial oo bandhig wanaagsan samaynayay kulamadii ugu dambeeyey, hase yeeshee weeraryahanka reer Nigeria ee Odion Ighalo oo kulankii Norwich City lagu soo bilaabay ayaa la fadhiisiyey.

Difaaca ayaa uu tiirarkiisa ugu adag soo qaddimay tababare Ole Gunnar Solskjaer, waxaana is garab taagan Harry Maguire, Lindelof, Wan-Bissaka iyo Luke Shaw.

Goolhaye David de Gea oo ciyaartii ugu dambaysay fadhiyey ayaa beddelay Romero, halka uu Greenwood xulashada kusoo baxay.

Fed, McTominay, Juan Mata, James, Baily, Williams, Ighalo iyo Romero ayaa dhamaandood kaydka ku jira.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood:

Manchester United XI: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw, Matic, Pogba, Greenwood, Fernandes, Rashford, Martial.

Beddelka: Romero, Bailly, Williams, Fred, Pereira, McTominay, Mata, James, Ighalo.

Brighton XI: Ryan, Lamptey, Dunk, Duffy, Burn, Montoya, Bissouma, Stephens, Propper, Mac Allister, Connolly.

Beddelka: Button, Schelotto, Bernardo, Gross, Mooy, March, Trossard, Murray, Maupay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*