Shaxda Rasmiga Ah Ee Hull City vs Chelsea – Tababare Lampard Oo Sideed Bedel Ku Sameeyay Shaxdiisa

Advertisements

Tababare Frank Lampard ayaa sideed isbedel ku sameeyay shaxdiisii kulankii Premier League ee ugu danbeeyay kulanka ay caawa la ciyaarayaan kooxda Hull City ee tartanka FA Cup.

Goolka waxaa ku soo bilowday Caballero oo tartamada maxaliga ciyaara halka daafaca dhexe ay ku soo wada bilowdeen Zouma iyo Tomori iyadoo garbaha daafaca ay ka dheelayaan Azpilicueta oo kabtanka kooxda ah iyo Marcos Alonso oo kursiga keydka laga soo kiciyay.

Khadka dhexe waxaa isku baheystay xiddiga Ingariiska Ross Barkley oo ka garab dheelaya Kovacic iyo Mason Mount.

Weerarka waxaa hogaaminaya weeraryahanka reer Belgium Batshuayi iyadoo ay garbaha ka caawinayaan Pedro iyo Calum Hudson-Odoi.

Waxaa kulankaan dhaawac ku seegaya weeraryahan Tammy Abraham oo dhaawacmay kulankii ugu danbeeyay ee Premier League.

Willian iyo Emerson ayaa ka mid ah xiddigaha booska joogtada ah heysta ee fadhiya kursiga keydka iyadoo sidoo kale uu kursiga keydka ka soo muuqday Christensen.

SHAXDA RASMIGA AH:

Chelsea XI: Ceballero, Azpilicueta, Zouma, Tomori, Alonso; Barkley, Kovacic, Mount; Pedro, Batshuayi, Hudson-Odoi.

Advertisements

Keyd: Cumming, Christensen, Lamptey, Maatsen, Emerson, Gilmour, Willian

Hull City XI: Long, Lichaj, Tafazolli, Burke, Eaves, McKenzie, Honeyman, Da Silva, Wilks, Kane, Bowen.

Comments are closed.