Shaxda Rasmiga Ah Ee Chelsea vs Southampton – Lampard Oo Isbedelo Sameeyay & Waji Cusub Oo Lagu Arkay Keydka Chelsea

Advertisements

Chelsea ayaa soo dhaweyneysa maanta kooxda Southampton iyagoo raadinaya inay gaaraan guushii labaad ee isku xigta ee garoonkooda Stamford Bridge ka dib markii ay 4-0 ku xaaqeen kooxda Crystsal Palace ka hor intii aan la aadin ciyaaraha caalamiga.

Southampton ayaa dhanka kale raadineysa guushoodii seddexaad ee isku xigta iyagoo laga badiyay labadii kulan ee ugu horeysay.

Tababare Lampard ayaa soo celiyay goolhaye Kepa iyadoo goolhayaha cusub Mendy uu gabi ahaanba seegay kuylankaan, halka Pulisic uu ku soo laabtay shaxda Blues isagoo ka garab ciyaareaya Havertz iyo Timo Werner.

Advertisements

Khadka dhex Kante, Jorginho iyo Mount ayaa isla ciyaara halka saxiixa cusub Ziyech uu markii ugu horeysay kursiga keydka soo fariistay.

Southampton waxaa ka maqan kulanka maanta Stuart Armstrong kaasoo laga helay cudurka Korona Fayras, waxayna fursad u noqotay Theo Walcott oo ciyaaraya kulankiisii ugu horeysay tan iyo markii uu kooxda ku soo laabtay maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga isagoo amaah uga soo wareegay Everton.

SHAXDA RASMIGA AH:

Chelsea: Kepa, Azpilicueta, Christensen, Zouma, Chilwell, Kante, Jorginho, Mount, Havertz, Pulisic, Werner

Keyd: Caballero, Abraham, Tomori, Giroud, Hudson-Odoi, Ziyech, James

Southampton: McCarthy, Walker-Peters, Vestegaard, Bednarek, Bertrand, Romeu, Ward-Prowse, Redmond, Adams, Walcott, Ings

Keyd: Forster, Stephens, Long, Obafemi, Valery, Tella, Diallo

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*