Shaxda Rasmiga Ah Ee Chelsea vs Aston Villa – Yaa Ku Soo Bilowday Kulanka Ay Ku Midoobayaan Frank Lampard Iyo John Terry?

Advertisements

Indhaha oo dhan waxa ay eegi doonaan kursiga keydka marka ay labada kooxood ka soo baxayaan qolka labiska iyadoo Frank Lampard ay dib u midoobi doonaan saaxiibkiisa John Terry oo caawiye tababare ka ah Aston Villa.

Tammy Abraham ayaa ku soo laabtay shaxda kooxda Chelsea ka dib dhaawac uu ku seegay kulankii ugu danbeeyay halka Hudson-Odoi uu kursiga keydka ku soo bilowday.

Willian iyo Christian Pulisic ayaa weerarka ku caawinaya Tammy Abaraham halka khadka dhexe ay ku soo wada bilowdeen Mason Mount, Kovacic iyo N’Golo Kante.

Dhanka daafaca James ayaa weli boos joogta ah heysta isagoo booska daafaca ka garab dheelaya Azpilicueta, Christensen iyo Zouma.

Shaxda Rasmiga Ah:

Chelsea: Kepa, Azpilicueta, James, Christensen, Zouma, Kante, Mount, Kovacic, Willian, Pulisic, Abraham.

Keyd: Caballero, Jorginho, Giroud, Hudson-Odoi, Batshuayi, Tomori, Emerson.

Advertisements

Aston Villa: Heaton, Targett, El Mohamady, Mings, Konsa, Nakamba, McGinn, Grealish, Hourihane, Trezeguet, Wesley.

Keyd: Nyland, Taylor, Luiz, Lansbury, Engels, Jota, Kodjia.

 

Comments are closed.