Shaxda Rasmiga Ah Ee Burnley vs Man United – Ole Gunnar Solskjaer Oo Soo Safay Shax Adag Oo Weerar Ah

Advertisements

Haddii Man United caawa ka badbaado guuldarro ama ay badisay waxay qaban doonaa hogaanka horyaalka Premier League ka hor kulankooda weyn ee Liverpool ee Axada soo socota.

Waxay si rasmi ah u aamini doonaan inay qaadi karaan horyaalka ka dib sideed sannadood oo ay sugayeen.

Kooxda Burnley ayaase maanka ku heysa fekrad kale oo ah inay sii dheereystaan shan kulan oo aan looga badinin gurigooda tartamada oo dhan islamarkaana ay kor u sii fuulaan miiska kala sareynta.

Weeraryahan Edinson Cavani oo soo dhameystay ganaax seddex kulan ah ka dib markii uu erey cunsurinimo ah ku qoray Instagram ayaa isna shaxda dib ugu soo laabtay.

Eric Bailly oo dhaawac yar uu soo gaaray kulankii ugu danbeeyay ee Premier League ayaa dib ugu soo laabtay shaxda Halka Lindelof uu gabi ahaanba seegay kulankaan iyadoo Luke Shaw uu taam u noqday ciyaartaan.

Tababare Solskjaer ayaa shax weerar ah soo safay isagoo isla soo safay Martial, Cavani, Rashford iyadoo gadaal ay ka caawinayaan Fernandes iyo Pogba.

SHAXDA RASMIGA AH:

Burnley: Pope, Lowton, Tarkowski, Mee, Pieters, Brady, Westwood, Gudmundsson, Brownhill, Barnes, Wood.

Keyd: Norris, Cork, McNeil, Stephens, Rodriguez, Bardsley, Vydra, Long, Benson.

Man United: De Gea, Wan-Bissaka, Bailly, Maguire, Shaw, Matic, Pogba, Rashford, Fernandes, Martial, Cavani.

Keyd: Henderson, Mata, Greenwood, Fred, James, Alex Telles, Van de Beek, Tuanzebe, McTominay.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*