Shaxda Rasmiga Ah Ee Bournemouth vs Arsenal – Ayuu Mikel Arteta Ku Soo Shaxdiisa Kulanka Caawa?

Advertisements

Kooxda Arsenal ayaa dooneysa inay xaqiijisato booskeeda wareega 16ka ee Koobka FA Cup kulanka ay caawa la ciyaarayaan kooxda Bournemouth.

Weeraryahan Pierre-Emerick Aubameyang ayaa weli ka maqan Arsenal isagoo seegaya kulankiisii seddexaad caawa ka dib casaankii uu qaatay kulankii Crystal Palace.

Daafacyada Calum Chambers, Kieran Tierney iyo Saed Kolasinac iyo weeraryahan Reiss Nelson ayaa dhamaantood dhaawacyo ku maqan.

Waa markii ugu horeysay abid ee ay kulan FA Cup ah isaga horyimaadaan kooxaha Bournemouth iyo Arsenal oo kaliya 11 kulan isaga horyimid tartamada oo dhan.

Kulankoodii ugu danbeeyay ee Premier League wuxuu ku soo dhamaaday barbaro 1-1 ah bishii December iyadoo Gunners ay badisay sideed ka mid ah 11ka kulan ee ay iska horyimaadeen.

Shaxda Arsenal waxaa weerarka hogaaminaya 20 jirka Nketiah iyadoo Lacazette uu kursiga keydka fadhiya, waxaana caawinaya Pepe, Willock iyo Martinelli.

SHAXDA RASMIGA AH:

Bournemouth XI: Travers, Smith, S.Cook, Ake, Simpson, L.Cook, Surman, Gosling, H.Wilson, Fraser, Solanke

Advertisements

Arsenal XI: Martinez, Bellerin, Mustafi, Sokratis, Saka, Guendouzi, Xhaka, Pepe, Willock, Martinelli, Nketiah

Keyd: Leno, Maitland-Niles, Holding, Torreira, Ceballos, Ozil, Lacazette.

Comments are closed.